fb

Noocyada Xannuuno Laga Qaado Miis iyo Kursi Qofku 6 Saac oo Xidhiidh ah ku Fadhiyo.

Published: September 7, 2016, 10:00 am

Kor u kac oo istaaga badso haddaad doonayso inaad caafimaad qabto. Waa digniin culus oo ay soo saareen cilmi-badhayaal caafimaad u dhashay dalka Maraykanka.

Daraasaddani waxay sheegtay in shaqaalaha xafiisyadu miiska shaqada oo ay fadhiyaan saacado badan inuu halis ku keeno caafimaadkooda, waxaanay iftiimisay in dadka kursiga shaqada dulfadhiya wax ka badan 4 saacadood oo xidhiidh ah inay khatar weyn ugu jiraan cudurrada halista ah ee kansarka, macaanka iyo wadne-xannuunku ka mid yahay.

Dadka ugu yaraan miiska fadhiya lix saacadood waxa caddaatay inay badankoodu qaadaan cudurka macaanka sida cilmi-baadhistu soo bandhigtay.

Cilmi-baadhistan oo laga qaaday 63,048 (saddex iyo lixdan kun iyo saddeed iyo afartan) qof oo ah ragga da?da dhexe ku jira, ayaa khubarada soo saaray waxay sheegeen in dumarkana lagu dabbiqi karo natiijada daraasadooda ka soo baxday.

Proff. Richard Rosenkranz oo hoggaaminayey daraasaddan, kana socdan Jaamacadda Kansas State University, ayaa sheegay in inta badan ee qofku fadhiyo caafimaadkiisuna khatar sii galo.

Waxaannu ogaanay in fadhiga badan kordhiyo fursadda qofku ku qaadi karo cudurrada halista ah. Kooxaha fadhiya wax ka badan siddeed saacadood waa kuwa iyagu ugu badan,? ayuu yidhi Prof. Richard.

Cilmi-baadhis tan ka horraysay oo la soo saaray sannadkii hore ee 2012, isla markaana laga qaaday 222,000 (laba boqol iyo laba iyo labaatan kun oo qof), ayaa iyaduna daaha ka rogtay in dadka muddada dheer fadhiya cimrigooda ay ka go’do saddex sanno, sababtoo ah jidhkooda oo cudurrada halista ah ku dhacaan.

Waxa kaloo Cilmi-badhayaashu caddayntooda rasmiga ah ku sheegeen in fadhigu kordhiyo fursadaha qofku ku qaadi karo xannuunadaas.

Ibraahi Khadar Saciid


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.