JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Ninka Caaqilka Ah Iyo Siduu Xaaskiisa Wax U Fahansiiyo “Way isoo Gaadhay Fariintaadu”..

Published: January 14, 2017, 2:35 pm

Markii uu quraacday ee uu lebistay ayuu shaqo tagay. Qolkiisa akhriska ayuu galay wuxu ahaa mid boodh badan oo shaashada TV-ga uu boodhku qariyay , wuxuuna kaga tegay Furayaashiii xafiiskiisa.

Xaaskiisa ayuu ka codsaday inay qolka uga soo saarto  muftaaxyada uguna keento xafiiskiisa.

Markii ay qolka gashay ayay ku aragtay shaashadii TV-ga ee boodhka lahayd qoraalkan “ Niyad iyo Kalgacal badan ayaan u hayaa Xaaskayga”.  Way khriday weedhihiisa, waana ay fahantay ujeedada oo ah baraarujin dhinaca nadaafadda ah.

Furayaashii ayay u qaaday waxayna u raacisay fariinta ah “ Way isoo gaadhay fariintaadu, waana aan ku dadaali doonaa nadaafadda, waxaan ku hayaa kalgacal aad u badan”.

Sidaasi ayuu  ninkaa caaqilka ahi u saxaa xaaskiisa haddii uu khalad ku arko isagoon niyadeeda waxba yeelin.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply