fb

Meheradaha Laga Isticmaalo Adeega Internet-ka oo ku yaraaday Hargeysa + Sababta Maxey Tahay..

Published: October 13, 2016, 1:57 pm

Magaalada Hargeysa  waxa aad  ugu   yaraaday goobaha laga isticmaalo adeega  internet-ka, kuwaas oo ay meesha ka saareen horumarka adeegyadda Farasamada Casriga ah ee Telefoonadda gacanta . laakiin Waxa weli ka jira goobo ama Meherado laga helo adeega internet  oo ay inta badan Isticmaalaan dadka aan haysan kombuyuutarada  ee wax ka barta  Jaamacadaha.

Mid ka mid ah Mulkiileyaasha goobaha laga helo adeegan ayaa ka war-bixiyey adeegyadda ay bixiyaan iyo goorta la asaasay goobtan waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay Sidan; “Magacayga Waxa la yidhaahda Cabdicasiis ,goobtan waxa la furat Sanadku marku ahaa 2012 . Markaa ila hadda waa ay Shaqaysaa”

Cabdicasiis waxa kale oo uu ka hadlay hoos u dhaca ku yimi meheradaha bixiya isticmaalka adeega Internetka, waxaanu yidhi “Sababtu waxa weeye Farsamooyinka  casriga ah, waxa ay sii samaynayaa  horumar , Markaa dadku waxa ay qaaateen telefoonka gacanta (Mobile)  oo ay ka helayaan wax kasta oo ay doonayaan, Arrintaa ayaa sabab u ah in ay yaraadan Isticmaalka goobaha Internetku.”

Cabdicasiis oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas ku daray ,“ Waxa naga Isticmaala dadka aaney guryahay ugu xidhnayn  iyo ardayda oo badaana halkan la yimaadda aladda Laptopka kuwaas oo Casharo ka baadha  dabadeed aannu u daabacno .Waxa iyana jirta in ay yaradeen shaqaalaha ka hawl gala oo hadda waxa aannu ku joogna Laba qof oo keliya “

Mid ka mid ah dadka isticmaala goobaha ganacsi ee adeega Internet ayaa sharaxay Sababta iyo adeegyada uu ka helo Internetka. Isaga oo arrinta ka hadlaayana waxa uu yidhi “ Magacaygu waa Axmed Xasan , waxa aan u isticmaala in aan ka eego Wararka iyo Fariimaha iigu soo dhaca Sanduuqa aan ku leeyahay adeega alaadan”

Axmed isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas ku daray “ Waa loo baahan yahay in la isticmaalo balse goobahani waa ay sii yaraanayaan ,Waayo Waxa soo badanaay horumarka dhinaca adeega Internetka  dhinaca kale waxaa hoos u dhacay qiimaha Laptop-yadda iyo telefoonada gacanta kuwaas oo qayb ka qaadanaya in uu yaraado Isticmaalka goobahan”.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply