JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Maxaad Ka Taqaanaa Waxyaabaha Muhiimka Ah Ee Diinta Islaamka Kaga Hadashay Guurka Iyo Xukunka Guurka Islaamka.

Published: August 29, 2016, 2:00 pm

Diinta islaamku guurka way jidaysay, xukunkiisana qayb cululmada ka mid ah waxay dheheen waa waajib qof kasta gaar u saaran, kuwana waxay dheheen waa farad-kifaayo (wax ummadda oo dhan nku waajib ah laakiin haddii qaybtood fuliso inta kale aysan dambaabayn, hadday ka wada tagaana ay wada dambaabayaan).

Waajibnimada guurka waxaa loo daliishaday: Ilaahay wuxuu yiri: “wixii dumara ee idiin suubada guursada”. Wuxuu kaloo yiri: “u guuriya kuwa xaaslaawayaasha ah ee idinka mid ah (xorta ah) iyo biddoodkiina (dadka la leeyahay) wanwanaagsan ee rag iyo dumarba ah”. Nabigu wuxuu yiri: “ Jamaca dhalinyarooy ninkii idinka mida ee kara ha guursado; waayo isagaa indhaha laabi og, farjigana ilaalin og”. Waxay dheheen culumadaas: waa awaamiir Ilaahay iyo nabigu ina siiyeen, amarka in la raacana waa waajib.

Laakiin culumadu waxay u badantahay in la kala qaado:

1. “Ninka guurka u baahan ee awooda, isla markaana aan xaaraan isaga baqayn inuu guursado waa sunno”. Waxaa hubaal ah qofka muslimka ah ee guurka awooda inay sunna tahay inuu guursado si uu u xaqiijiyo ujeeddooyinkii aynu ka soo hadalnay haddii uu doono yaanu baahi qof ahaaneed u baqine. Haddii uu guurka baahi usii qabana kaba sii adag.

2. “Ninka guurka u baahan ee awooda, hadduu guursan waayana sino isaga baqaya waa ku waajib inuu guursado”. Dhalinyarooy bal cid kalaba yeelkeede wiilka ama gabadha guurka heli kara, una baahan, sinadana isaga baqaya ee aan guursanayn xaalkooda maxaynu ku sheegi karnaa?.

Gabagabadii dhalinyarooy waxaa is weydiin leh sababta loo fulin waayey shay qof ahaan iyo bulsho ahaanba loogu baahanyahay, faa’iidooyin badana laga helayo, dhibaatooyin badana lagaga fakanayo, awoodna loo heli karo, ajarna laga helayo?. Waxaa laga yaabaa inaad iigu jawaabtid waa inaan xoolo badan helo, waa in guri weyn la ii dhiso, aqal cajab lehan la ii dhigo, waa in hobolo ii heesaan, waa in xeero la ii sameeyo, waa in, waa in iwm, ana waxaan ku leeyahay adigu baahida iyo danta naftaada ayaad ka shaqayn mise dad heesaya ama xeeryo samaynaya?.

Tan kale aniga qoyska muslimka ah ee dhismaya dan baa iigu jirta, ilmaha u dhalanayana dan weyn baa iigu jirta, dadkayga oo xiriir yeelanayana dan baa iigu jirta, dhalinyaradii oo ii xasisha, xumaantana ka badbaadana dan baa iigu jirta laakiin maxaan ka faa’iidayaa gawaari dad lagu soo raray oo suuqyada la wareejinayo iyo hobolo durabaan iyo qalaad lacagtii muslinka ku qaadanaya?.

Dhalinyarooy bal sanadkaan ha shaqeeyo cilmiga iyo caqligu, dibna ha la inoogu dhigo caadifada, faanka iyo is tustuska, ku dayashada shisheeye iyo dameeri dhaan raacdaynimada, hana la ogaado gabadha loo heesay, gawaaridana loogu alalaasay in aanay ka ilmo fiicnayn tan sidii diintu ahayd loo guursaday, loona dhistay!. Bal arka ilmo si wax ka yihiin oo la leeyahay hooyadi looma heesin ama ilmo cajaa’ib leh oo lagu macneeyey in hooyadi gawaari badan lagu galbiyey.

Tan kale bal aad ugu fiirsada dumarka magaalada dhexmaraya oo bal kala garta mida sariir weyn ka soo toostay iyo mida darin ku seexatay ama isu eega carruurtooda oo ii sheega wax lagu kala garto. Ogaada idiin ma diidani inaad guryo fiican iyo dhar wanaagsan heshaan laakiin waxaan idin leeyahay haddii la waayo yaan loo say la’aan.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply