JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Maxaad Ka Taqaanaa Waase Maxay Farqiga U Dhaxeeyo Gabar iyo gabar la’aan (Qeybta 1aad)

Published: September 1, 2016, 8:00 pm

Gabar kasta reerkooda qiime ayay la leedahay, way ku kalsoon yihiin, wayna u hanweynyihiin xataa kuwa aan waxbarin, tarbiyad fiicana aan siin.

Laakiin gabdhuhu isku mid maaha ee waa mid is og inay qiime leedahay oo qaali tahay, sidii gabar qaali ahna u dhaqanta, midna suuqii lugu naadiyaba way yeelin, sarrif iyo sanuud wixii lugu baayacana waa la siisan karaa.

Gabadhaan waalidkeed iyo ehelkeeda waa xubin ka mid ah ee ka gaar maaha, sheekada kama qarsato ee way ku qarsataa, nafteeda iyo mustaqbalkeeda gaar ahaan guurka inay uga garasho dheeryihiin, ugana dadaal badan yihiin way u ogtahay, wayna uga dambaysaa ee ma feer orodo.

Waalidkeed iyo ehelkeeda ayay arrin walba ula noqotaa ee gabdhaha saaxiibada ah iyo dadka suuqa maraya sirteeda iyo taladeedu ma dhextaal; waayo waxay ogtahay in waalidkeed yahay cidda kusoo tacabtay, haddana danteeda har iyo habeen usoo jeedda, hadday dhib la kulantana kaligeed kusoo haraysa.

Gabadhaan gurigii markay dhalatay loogu mashxaraday ayaa laga galbiyey, guri u qalma iyo say geeyaan u ah ayaana loo galbiyey, labo qoys oo lammaanuhu ka kala dhasheen ayaana mashxarada iyo galbinta ka wada qaybgalay, duco iyo farxad ayayna guri uga wareegtay, gurina ugu wareegtay.

Uma aha inay gurigoodii iyo ehelkeedii ka tagtay ee waxay u wareegtay guri ka mid ah guryihii reerka oo iyadu ay aasaas u tahay halka kii ay ka timid hooyadeed aasaas u ahayd. Dhinac kale reerkii waxay usoo kordhisay ehel iyo qaraabo la is jecel yahay. Tan kale waalid iyo ehelba qalbigoodu gabadhoodii ayuu ku xiranyahay, iyaduna kamacay go’ine qalbigeedu wuu ku xiran yahay.

Reerku siday ugu farxeen dhalashada gabadhooda ayay ugu farxayaan marxalad kasta iyo xaalad walba oo ay marayso. Gabarnimadeedii iyo joogisteedii ilku qabawsi ayay ahayd, guurkeediina waa lugu farxay, kolkay uur yeelatayna waa farxad kale, kolkay dhsshayna kaba sii daran, booqashada ay reerka ugu timaado waa farxad, haddii iyada lasoo booqdana waa farxad, haddii carruurteeda la arkana waa farxad farxad dhaaftay, ninkeeda araggiisa iyo xiriirkiisuba waa farxad xataa ninkeeda qaraabadiisa waa farxad iyo soo dhaweyn.

Hadalhaynta, ammaanta iyo ducada gabadhaas xisaab ma leh, iyaduna ninkeeda, ubadkeeda iyo xididkeedba waxay deeqsiisaa qiimihii, kalsoonidii iyo farxaddii ay gurigooda kala timid.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply