fb

Maxaad Ka Taqaanaa Khudradaha Sida Fudud U Caddeeya Ilkaha Dadka Adoon Dawo Isticmaalin..

Published: September 30, 2016, 8:18 pm

Inta badan dadka ka cawda ilkohooda oo midab yeesha ayaa noqday kuwa ugu badan ee u taga dhakhaatiirta ilkaha, sida lagu sheegay daraasad dhowaan la sameeyey oo dhinaca caafimaadka ilkaha ah.

Dadkan ayaa daraasadu sheegtay inay ka cawdaan inta ugu badan midabka huruuda ah ee ku jira ilkaha guntooda, kuwaas oo ay ku sameeyaan waxyaalaha uu shaahu kamidka yahay, waxaanay dhakhaatiirta ilkuhu sameeyeen dhowaan daraasad lagaga hadlaayey caafimaadka ilkaha, taas oo lagu doonaayey in lagu ogaado habka ugu fudud ee loo nadiifin karo loona cadayn karo ilkaha.

Dhakhaatiirta ayaa natiijadii daraasadan ku sheegtay inay jiraan khudaar si dabiici ah u cadaysa ilkaha ,kuwaas oo ay ku jiraan maadooyin kala duwan oo si caadi ah u caddeeya ilkaha qofka.

Khudaartaas maadooyinka ku jiraa waxay mar walba la dagaalamaan midabka gala ilkaha oo ah huruud ama casuus , waxaana khudaartaasi kamid ah Cinabka,Tufaaxa iyo sidoo kalena Kaabashka.

Daraasadan oo lagu soo bandhigay wargeyska Telegraph oo uu kazoo xigtay wargeyska Dawan ayay dhakhaatiirta samaysay sheegeen in loo baahan yahay isticmaalka khudaartaas oo inta badan guryaha wadamada hore u maray laga helo.

Khubaradan cilmibaadhista samaysay oo dhakhaatiir caafimaadka ilkaha ku takhasustay u badnaa ayaa sheegtay in midabkaasi ay yeeshaan ilkuhu yahay mid wax weyn u dhima caafimaadka ilkaha mararka qaarkood, gaar ahaana marka uu ku sameeyo Suuska oo kale.

Waxa kale oo isaguna ah mid door weyn ka ciyaara ilkaha nadiifintooda khudrada loo yaqaano Cananiska oo ah khudrad la cuno, isaga oo ka koban dheecaan lagu magcaabo Bromelain , kaas oo ilaaliya midabka cad ee Ilkaha.

Waxaanay daraasadan khubaradani kusoo gunaanadeen in loo baahan yahay in la ilaaliyo sidoo kale waxyaalaha ay ku jirto Vitamin A-du, taas oo ilkaha ka ilaalisa inay midab ahaan is bedelaan.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.