fb

Maxaad Ka Ogtahay Ujeeddada Dhabta Ah Ee Ilaahay u abuuray jinniga iyo insiga..??

Published: August 29, 2016, 2:00 pm

Ilaahay wuxuu u abuuray jinniga iyo insiga inay isaga kaliya caabudaan. Si loo xaqiijiyo ujeeddadaasna Ilaahay wuxuu soo diray rusul, wuxuuna ku soo dajiyey kutub. Kutubta iyo rusushu waxay ku baaqayeen in Alle kaliya la caabudo, wixii lagu caabudi lahaa iyo sidii loo caabudi lahaa.

Kolkaas dadkii waxay u qaybsameen kuwo aqbalay oo mu’miniin ah iyo kuwo diiday oo gaalo ah. Kuwa mu’miniinta ah waxay noqdeen xisbiga Ilaahay iyo awliyadiisa, kuwa gaalada ahna waxay noqdeen xisbiga shaydaanka iyo awliyadiisa.

Labada xisbi waxaa u dhexeeya loolan joogto ah oo ka soo bilowday nabi Aadam iyo Ibliis, loolankaasna ma joogsanyo ilaa qiyaamaha laga gaarayo. Loolankaas waa wadaamaysi (qoloba mar adkaanayso) laakiin ciribta dambe waxaa iska leh dadka Ilaahay ka baqa, Alle-na mar walba wuxuu la jiraa dadka xaqa xambaarsan.

Si kasta oo dadka baadilka wata u xoog badanyihiin xaqa ayaa ka adag; waayo guushu waa noocyo badantahay, guusha xujada iyo gartu mar walba waxay raacaysaa dhinaca ehlu-xaqa, laakiin guusha millateri marba dhinac baa helaya, ugu dambayntana mu’miniinta ayaa yeelanaya.

Intaa haddaad ogaatay waxaa kula gudboon in aad xaqa ku dhegtid oo aadan uga cararin taagdarida ehelkiisa, baadilkana adan u raacin awoodda ehelu-baadilka awgeed. Haddii awoodda gaaladu kula weynaato ogow in Alle ka awood badanyahay, uuna difaacayo mu’miniinta. Ciddii Ilaahay u hiiliyana cidi kama adkaan karto, cidduu hoojiyana cidi uma hiilin karto.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply