fb

Maxaa aad Ka Taqaanaa Calaamada Bisha U Eg Ee Lagu Arko Ciddiyaha Dadka Qaarkood Maxaase Sabab U Noqda?

Published: September 13, 2016, 1:10 pm

Khubaro ku takhasustay caafimaadka jidhka dadka ayaa daraasad ay dhowaan sameeyeen oo ku taxaluqday caafimaadka gacmaha iyo cidiyaha dadka waxay ku ogaadeen sababta keentay inay ciddiyaha dadka qaarkood yeeshaan calaamad bil u eg oo cadaan ah.

Khubaradan ayaa ku sheegay bishaasi oo lagu magcaabo Saynis ahaan Hillel Nail ama Lunula Unguis  mid ka turjumaysa sida uu yahay habka difaaca ee jidhka qofkaais,iyaga oo intaasi ku daray in qofka calaamadaasi lehi uu yahay qof uu wanaagsan yahay habkiisa difaaca ee jidhku,sidoo kalena uu marwalba heegan ku jiro.

Waxa kale oo ay khubaradani sheegeen in hadii uu cadaankaasi noqdo mid yar oo kooban ay taasi muujinayso in uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay qofkaasi,laakiin uu jiro waxoogaa caajis ah iyo awood dari, taas oo qofkaasi soo foodsaarta.

maxaa-aad-ka-taqaanaa1-310x176Khubaradan oo qoraal kooban siiyey wargeyska Daily Mail oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska dawan ayaa sheegay in ay jirto maado Protein ah oo ku jirta cidida ,taas oo lagu magcaabo Keratin,waxaanay sheegeen in maadadaasi tahay mid loogu talo galay difaaca jidhka,iyada oo laga helo sidoo kalena timaha iyo meelo badan oo jidhka kamid ah.

Khubaradan ayaa sheegay in hadba qofka ciddiyihiisa iyo sida calaamadan looga arkaa ay ku xidhan tahay caafimaadka gacmaha qofkaasi iyo sidoo kalena caafimaadkiisa caadiga ah, iyada oo xidhiidhna la yeelan karta dhinaca nafaqo daradda iyo sidoo kalena xanuuno faraha ku dhaca.

Maadadan Keratin-ta ayaa ah mid ciddiyaha iyo timaha ku badan,iyada oo laga helo meelo kale oo jidhka dadka kamid ah,waxaanay keentaa in ay cariso habka difaaca ee jidhka,gaar ahaan gacmaha oo u ah saldhig.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.