JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Maraykanka oo laga Codsaday Sharci ka Dhan ah Dirawalada Aan Seexan Hurdo ku filan..

Published: December 12, 2016, 5:25 pm

Ururka gaadiidka dalka Maraykanka,ayaa dawladdooda u soo jeediyay in ay soo saarto sharci xakamaynaya dirawalada Baabuurta ee aan seexan hurdo ku filan kuwaasoo noqday kuwa ugu shilal galista badan dalkaas sababayna khasaare baaxad wayn.

Warbixin maalintii salaasadii ee taariikhdu ay ahayd 06/12/2016,  ay soo saareen Ururka gaadiidka ee Maraykanka ayay ku caddeeyeen shilalka gaadiidka ee safarada in ay sabab u tahay dirawalada oo  aan seexan hurdo ku filan.

Waxaanay  ku sheegeen daraasadda in Lulada iyo hurdo yaraantu ay ka halis badan tahay wadaayasha khamriga cabba oo iyaga sharciga ka yaal awgeed iska ilaaliya in aanay gaadiidka kexaysan  iyagoo sakhraansan.

Guddoomiyaha waaxda Ammaanka waddooyinka Mr. David Young oo hoos tagta Ururkan oo hoggaaminayay kooxda daraasaddan samaysay ayaa sheegay in shilal gaadhaya 4571 shil oo badankoodu qasaare badan geystay  laguna hoobtay  in ay  sababatay hurdo yaraanta wadayaasha baabuurtu,kuwaasoo shookaanta  gaadhiga xukumi kari waayay, ka dibna ka leexday  oo jar ka dhacay ama gaadhi  kale haadkiisa ugu tegay markii uu dhaafi lahaa iyo kaabado iyo biriijyo ay ka dhaceen.

Waxaanay kula taliyeen dawladda Maraykanka in sharci laga soo saaro lulada iyo hurdo yaraanta wadayaasha sida kuwa qaata mukhaaraadka.

Waxa kale oo ay caddaysay daraasaddu in wadaha seexda 2 ama 3 saacadood ama sooba jeeday ay u badan kuwa shilalkaasi keenay.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply