JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Mar kastoo aad is tiraahdo maanta maalin xun ayay ii tahay, Xusuusnow in qof meel kale jooga uu la halgamayo nafti oo ka sii baxeysa.

Published: August 24, 2016, 7:00 pm

Asalaamu Calaykum

1. Mar kastoo aad is tiraahdo maanta maalin xun ayay ii tahay, Xusuusnow in qof meel kale jooga uu la halgamayo nafti oo ka sii baxeysa. Ku Shugri Alle in uu ku siiyay fursad kale oo Nolosha ah maanta

2. Ha u oggolaan xiriir hore oo noloshaada ah inuu burburiyo Farxada mustaqbalkaaga. Nabarka ama xagtintu waa inay ku xasuusiyaan wixi aad ka soo gudubtay, ma aha halka aad ku socoto

3. Xaqiiqdii wax kasta oo aad weydo Nolosha waxaad helaysaa wax kale oo bedel ah laakiin haddii aad Alle SWT weydo (ka fogaato) marnaba ma helaysid bedel. Waxaadna ku noolaaneysaa hoog iyo halaag

4. Hadal jees-jees & ka fiirsasho la’aan loo yiri ayaa xurguf sababi kara. Hadal axmaqnimo ah ayaa nolol baabi’in kara. Hadal naxariis iyo dhiirigelin ah ayaa qof bogsiin kara ama bedeli kara. Qof kastana isagaa dooran kara waxa uu ku hadlayo iyo sida uu u hadlayo

5. Ha ka baqin in aad is bedel sameyso. Ha ka cabsan in aad fashilanto ama dhibtooto. Haddii aan mugdi jirin marnaba ma aadan aragteen xidigaha

6. Iska ilaali inaad u noolaato si kibir & isla weyni leh, si is tus-tus iyo ha lagaa sheego, keliya waxay kuwan qofka dhaxalsiiyaan inuu waayo deganaan maskaxeed, xasilooni qalbiga ah, ku noolaado naceyb iyo caro

7. Haddii aan u isticmaalno awoodaheena in aan isugu caawino nusqaanteena, wadajir ayaan u wada guuleysan karnaa. Awoodeenu waxay ku jirtaa Midowgeena, kuma jirto kala qeybsanaanteena.

8. Yeelo hami weyn iyo han sare. Iska ilaali in aad yeelato Hamiga Xayawaanka taasoo ah marka qofka ka fakiro kana welwelo oo keliya Caloosha buuxinteeda iyo Farjiga haqabtirkiisa

Share – sii Faafi


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply