JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Magaalo Qaab Cajiib Ah Taariikhda Dunida Ku Gashay Waa Magaaladee..?!

Published: October 16, 2016, 1:10 am

Magaalada Wardiya waa magaalo taariikhi ah oo ku taalla dalka koonfurta Urdun, magaceeda waxa uu ka soo jeeda dhagaxanta quruxda badan ee midab ahaan u eeg ubaxa.

Magaaladan ayuu dhismaheedu yahay mid aad u heer sareeya oo haddana qadiimi ah, waana magaalooyinka loogu dalxiis badan yahay , xataa waa magaalo ay dalxiisaan hogaamiyaasha caalamka.

Magaaladan waxa la dhisay sida taariikhda lagu sheegay sanadkii 312 M , waxaana la sheegay wakhtiyo badan inay ahayd caasimaadda dadka Carabta ah. Magaalada Wardiya ayaa sandkii 2007 lagu daray liiska toddoba arimood ee dunida ugu yaabka badan.

Sababta loogu daray ayaa noqotay iyadoo ay ka dhisan yihiiin guryo fooqyo ah oo looga qoray buuraha qaab  farshaxankiisu sareeyo. Ma jiro dhisme la sameeyay waxa keliya ee qoreen waa buurta dhagaxa ah oo ay albaabo iyo salaano gudaha u sameeyeen kuwaasi oo noqdya dabaq dhagax ah oo aad u qurux badan.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply