JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Macluumaad Muhiim ah oo ku saabsan Dalka Turkiga (Xogta Qarsoon)

Published: December 29, 2016, 9:18 am

Warbixinteenan  waxaynu ku soo qaadanaynaa xaqiiqooyin iyo qiyaaso ku saabsan dalka Turkiga oo ah wadan lagu yaqaano quruxda dhulkiisa iyo taariikhda hogaamineed ee uu caalamka ku leeyahay, aniga oo  si gaar ahna isu kor taagaya Quwadda dhaqaale iyo ta millateri ee Dalkaasi.

Waxa xiligan loo yaqaanaa Jamhuuriyada Turkiga, waxaana uu boqolaal sanadood  ahaa xaruntii khilaafadii Islaamka ee u dambaysay xiligaas oo  Mustafe Kamaal Attaatoorak uu ka aasaasay jamhuuriyada Turkiga ka dib markii ay duntay Dawladii Khaliifadii Islaamku sanadkii 1922, sanadkaa oo la casilay suldaankii u dambeeyey Suldaan cabdixamiid, Ka dibna labo sano ka bacdi oo ku beegnayd 1924 la bedelay hanaankii dawladii islaamka ee ay cusmaaniyiintu hogaaminayeen, laguna dhawaaqay jamhuuriyada turkiga oo uu Mustafa kamaal hogaanka u qabtay sanadkii 1923 ilaa iyo geeridiisii sanadkii 1938, waxana xiligaa uu hirgeliyey nidaamka cilmaaniyada waxana uu ku soo rogay wadanka hirgelinta dhaqamo badan oo reer galbeedku leeyihiin  isagoo uga dan lahaa in  wadankiisu ka mid noqdo Qaaradda yurub, isagoo qoraalkii af carabiga ahaana ku bedelay xarfaha laatiinka.

Turkigu waa dalka 37 ee ugu dhulka balaadhan dalalka caalamka iyadoo ay sadex jiho ka xigto baddu, tirada dadkiisana waxa lagu qiyaasaa 76 milion oo ruux, dastuurka u yaalla turkigu waxa uu ogolaanayaa xorriyada caqiidada, aqlabiyadda dadka wadankaasina waa muslimiin, iyadoo muslimiintu tirada dadweynaha wadankaa ka noqonayaan qiyaas dhan 98%, kuwaasoo badankoodu yihiin dad sunniyiin ah.

Dadka turkigu waa jaaliyada koowaad ee ugu badan wadanka Jarmalka waxaana lagu qiyaasaa ilaa 4 Milion oo turkiyiin ahi inay ku nool yihiin wadanka Jarmalka, iyadoo jaaliyado ka soo jeeda Turkigu ay sidoo kale miisaan ku leeyihiin wadamada Maraykanka, Australia iyo kanada

Dagaalweynihii koowaad ee dunida turkigu waxay la socdeen dalalkii Xulafada ee Dagaalkaa lagu jebiyey, xiligaana waxa lagu qasbay inay khaliifadii islaamigu ciidamadoodii iyo maamulkoodiiba kala baxaan wadamadii kale ee ay maamulayeen, iyagoo dagaalkii labaad ee dunidana ka mid ahaa dalalkii dhexdhexaadka ka ahaa colaadda.

Muddooyinkii u dambeeyey Turkigu waxay ku guulaysteen inay hoos u dhigaan shaqo la’aanta iyagoo ka faa’iidaysanaya koboca dhaqaale ee ay xiliga kooban ku gaadheen waxana dhaqalahaasi u horseeday inay dib ugu soo noqoto saamayntii ay ku lahayd dunida kana mid noqoto dalalka ugu wanaagsan Qaaradda yurub, iyadoo wershadaha dalkaasi soo saaraan Dharka ,gogosha iyo qalabka kale ee guryaha, cuntooyinka, sharaabka, agabka gaadiidka, kiimikaalka, qalabka elektronikada iyo maaska, waxana turkigu noqday dalka sadexaad ee ugu soo saar badan Gogosha guryaha ka dib Talyaaniga iyo jarmalka, xilli ay macdanaha ku jira wadankaasi ay ka mid yihiin dhuxul dhagaxda, naxaasta,birta iyo silver-ta, waana mid ka mid ah dalalka ugu badan ee soo saara Macdanta Koroonka

Turkigu waa dalka koowaad Qaaradda yurub iyo ka todobaad caalamka oo dhan ee haysta biyaha diiran ee ugu badan ee lakabka sare ee dhulka ku jira, biyahaa oo ay ka faa’iidaysataana waxa uu sii kordhinayaa wax soo saarkeeda beeraha.

Dalxiisku waa tiirarka ugu muhiimsan ee uu ku tiirsan yahay dhaqaalaha turkigu, waxana uu noqday dalka Tobnaad ee dunida oo dhan ugu dalxiiska wanaagsan, iyadoo tusaale ahaan sanadkii 2010 uu dalxiiska wadankaa ka soo xerooday dakhli gaadhayey 25 bilion oo doolarka Maraykanka ah.

Dalka turkigu waxa uu leeyahay in ku dhow 200 garoomada diyaaradaha ah, shirkada duulimaada diyaaradaha ee Turkish Airways-na waa mid ka mid ah shirkadaha duulimaadada ee dunida ugu wanaagsan.

Qiyaasta ardayda iskuulada la geeyo waxay gaadhaysaa 93% tirada guud ee ardayda waxbarashada u baahan, iyadoo tirada dadka waaweyn ee aan waxna qorin waxna akhriyin ay 6% oo keliya ka noqonayaan ragga, halka haweenkuna ka yihiin 18%.

Inkastoo aqlabiyada Turkigu ay muslimiin yihiin hadana xiligii hore waxa jiray qaanuun lagu mamnuucayey ku xidhashada xijaabka ee iskuulaadka, jaamacadaha ,xarumaha dawlada iyo goobaha caamka ah waxase qaanuunkii noocaa ahaa laga qaaday iskuulada sanadkii 2013, iyadoo lix ka mid ah jaamacadaha dalka turkigu ka mid noqdeen liiska 500 jaamacadood ee ugu wanaagsan dunida.

Sanadkii 2009 turkigu waxay kordhiyeen miisaaniyada dhinacyada baadhitaanada iyo daraasadaha cilmiga ah, taas oo la gaadhsiiyey 8 bilion oo lacagta dalkaasi ah.

Turkigu waxay ka mid noqdeen dalalka leh suuqyada caalamiga ah ee ugu waaweyn uguna faca weyn  iyadoo badhtamaha Magaalada Istanbul uu ku yaallo suuqa caanka ah ee  al-baasaarka weyn, ama kablicarsey kaasoo ka mid ah suuqyada ugu waaweyn caalamka ee laga dukaamaysto, isagoo dhismaha suuqaasi dib ugu noqonaya sanadkii 1455, ka dib xiligii ay cusmaaniyiintu furteen magaaladaasi Istanbul oo hore loo odhan jiray Constantinia, halka sidoo kalena suuqaasi yahay meelaha ugu dalxiiska badan Magaaladaasi, waxaana sanadkii 2014 suuqaa booqday dad gaadhaya 91 milion oo ruux.

 

Wadanka Turkigu waxay leeyihiin 13 goobood oo waaweyn oo ka mid ah xarumaha taariikhiga ah ee ku jira liiska goobaha taariikhiga ah ee loo dalxiis tago ee ay hay’adda Unisco diiwaangelisay  iyo 62 goobood oo kale oo taariikhi ah laakiin aan weli gelin liiska caalamiga ah ee hay’adda Unisco.

Magaalada ay dadka ugu badani ku nool yihiin wadankaasi waa magaalada Istanbul waxaana ku nool dad lagu qiyaasay 14 ilaa 18 malyuun oo qof, tiradaas oo u dhiganta tirada guud ee dadweynaha dalka Biljamka, waana magaalada keliya ee ka wada tirsan labo qaaradood oo kala ah Asia iyo yurub, waana marinka ay dunida galbeedku kaga xidhanto  bariga caalamka, waxaana ka muuqada dhamaan dhaqamada kala duwan, sidoo kale Magaalada Istanbul waxay hore caasimad ugu soo ahaan jirtay sadex imbaraadooriyadood oo waaweyn oo kala ahaa boqortooyadii roomaankii, imbiraadooriyadii Bizantiyiinta iyo saldanadii cusmaaniyiinta.

 

Hanaanka Jidadka tareenada ee dalka turkigu waxa uu ka mid noqday kuwa ugu waaweyn isagoo kaalinta 33 ka galay liiska tareenada ugu rakaab qaadka badan dunida oo dhan, waxana weli ka shaqaynaya wadankaasi jid tareenka labaad ee ugu faca weyn jidadka tareen ee maanta la isticmaalo, kaasoo la dhisay sanadkii 1875.

Mudooyinkii u dambeeyey wararka caalamka waxaa cinwaan u ahaa dalka turkiga oo ay indhaha dunidu ku soo jeesteen ka dib inqilaabkii fashilmay ee wadankaa la isku deyey in xukunka lagaga tuuro dawlada shacabku doorteen ee Rajab Dayib Ordogan hogaaminayo, lakiin inqilaabkaasi waxa uu noqday kii ugu mudada gaabnaa ee dunida ka dhaca isagoo socday muddo lix saacadood ah oo keliya.

Jid tareenka dhulka hoostiisa ah ee mara xaafadda Bioglo ee magaalada Istanbul oo la dhisay sanadkii 1875 waa ka sadexaad ee ugu faca weyn jidadka tarenada ee dhulka hoostooda mara waxana ka da’ weyn labo jid tareen oo ku kala yaalla magaalooyinka London iyo Newyork.

Xeebta badda madow ee Turkigu leeyahay waxay dhereran tahay 1650 km waana masaafo u dhiganta masaafada dhuleed ee u dhexaysa magaalooyinka Paris iyo baarliin.

Tan iyo intii uu xukunka dalka Turkiga qabtay Rajab Dayib Ordogan, wadankaasi waxa uu noqday mid horumar balaadhan ka sameeyey dhinacyo badan, barnaamijkeenana waxaynu wax kaga ogaanaynaa quwada milateri iyo ta dhaqaale ee wadankaasi ku naaloonayo,

Sida ay caddaynayaan warbixinaha baanka adduunku waxay  kaalinta 17-aad Turkigu xiligan kaga jiraan liiska dalalka ugu dhaqaalaha wanaagsan  dunida, halka ay kaalinta koowaad-na u yihiin dalalka mandaqadda Bariga dhexe, isagoo muddo toban sano ka hor turkigu dhaqaale ahaan ku jiri jiray kaalinta 111-aad, iyadoo dhaqaalaha turkigu ka mid yahay shabakada dalalka G-20, waxana uu dhaqaalaha wadankaasi ka kooban yahay sadex qaybood oo waaweyn oo ka tirsan waxsoo saarka gudaha ee dalkaasi ama waxa loo yaqaano GDP kuwaas oo kala ah Dhanka adeegyada oo wax soo saarka ka noqonaya 58% waxaana qaybtaa ka hawlgala 33% cududa shaqaalaha guud ee dalkaasi, qaybta labaadna waa dhanka wershadaha oo 29% ka noqonaya wax soo saarka gudaha ee dalkaasi waxaana dhanka wershadaha ka hawlgala 20% shaqaaleweynaha Turkiga, waxaa soo raaca qaybta Beeraha oo iyadu ka dakhli yar kuwa hore ayna ka soo baxdo 12% wax soo saarka guduhu, laakiin dhanka kale waa meesha ay shaqaalaha ugu badani ka hawlgalaan ,halkaaso oo ay ka shaqeeyaan 40% dadka shaqeeyaa.

Mudadii tobanka sanadood ahayd ee u dambaysay turkigu waxay boodeen booddo dheer oo saldhig dhaqaale oo adag ay ku yagleeleen iyadoo sidoo kalena iska bixisay oo iska nadiifisay daymihii ragaadiyey ee lagu lahaa tan iyo sanadkii 1958, waxana ay kor u qaadeen wax soo saarka gudaha (Gross Domestic Production) oo sanadkii 2002 ahaa 300 bilion oo doolarka maraykanka ah, laakiin sanadkii 2013 soo gaadhay 2 trilion iyo 150 bilion oo doolarka maraykanka ah waana qiime u dhigma isugaynta wax soo saarka gudaha ee sadexda wadan ee kale ee ugu dhaqaalaha badan gobolka Bariga dhexe sida Iran, Sucuudiga iyo imaaraatka carabta .

Dhanka kale waxaa si weyn kor ugu kacay dakhli maalinlaha ah ee Muwaadinka turkiga kaasoo sanadkii 2002 ahaa 3500 doolar qofkiiba sanadkii, hadana 2013 uu dakhliga sanadlaha ah ee muwaadinka turkiga ahi noqday ilaa 11,000 doolarka maraykanka ah.

Kor u kacan iyo boodadan dhaqaale ee uu turkigu sameeyey waxa sabab u ah, deganaanshaha iyo xasiloonida siyaasadeed ee dalkaa ka hanoqaaday inkastoo sanadkan 2016 uu ka dhacay inqilaab fashilmay iyadoo deganaanshahaa siyaasadeed uu lug weyn ku lahaa koboca dhaqaale ee dhacay, waxa kale oo ka mid ah isbedeladii ay turkigu ka hirgeliyeen dhinacyada isbedelada dimuqraadiyada, caddaalada , xorriyada iyo xuquuqda bani’aadamka oo ay soo raacdo iyadoo heshay cudud shaqaale oo xirfad leh una diyaar ah tartanka suuqyada caalamiga ah, iyadoo warbixinta uu soo saaray mac-hadka daraasaadka shaqaalaha ee turkigu ay muujinayso inay dalkaasi hayso in ka badan 29 milion dhalinyaro xirfad ku filan leh isla markaana wata aqoon tacliinta sare ah iyo niyad adag oo xamaasad leh,halka ay sanad walba ay 133-ka jaamacadood ee dalkaa ku yaalla ka soo qalinjebinayaan in ka badan 600,000 oo arday.

Hadaba iyadoo dhaqaalaha noocaas ah leh ayay dhanka kale turkigu waxay leeyihiin cudud milateri oo adag isagoo milateriga Turkigu ka kooban 670,000 askari waana dalka labaad ee ugu ciidanka badan gaashaanbuurta Nato marka laga reebo wadanka Maraykanka,, waana ciidamo isku dhafan oo u kala qaybsan illaa shan nooc oo kala duwan. Waxana turkigu ka mid yahay shanta wadan ee gaashaanbuurta Nato ku jira ee loo ogol yahay inay kala qaadan karaan quwadda nuklierka, waxana soo raaca wadamada Biljamka. Talyaaniga, Jarmalka iyo Holland, taa marka loo eegana waxa Dhulka turkiga laga heli karaa quwadda Hubka Nuklier-ka ee ay leeyihiin Dalalka xubnaha ka ah gaashaanbuurta Nato sida maraykanka oo kale.

Ciidanka dhulka ayaa ah cududa ay turkigu isku hallaynayaan kuwaasoo ka kooban kala badh tirada guud ee ciidamada dalkaasi waxana ay ku gaashaaman yihiin 4300 taangiyada dagaalka ah, 7500 oo kale oo gawaadhida gaashaaman ee dagaalka ah iyo xaddi badan oo qaybaha gantaalaha ah, waxana ku yaalla dalka turkiga saldhigyo millateri, iyadoo ciidamadeeda cirkuna ay ka kooban yihiin lixdameeyo kun oo ku qalabaysan ilaa 900 diyaaradood oo isugu jira kuwa dagaalka iyo kuwa kale ee adeegyada milateri qaabilsan sida sahaminta, taakulaynta, xamuulka iyo tababarada, kuwaasoo ay soo raacaan diyaaradaha aan duuliyayaashu wadin.

Ciidamada badda ee turkiga ayaa iyana ka kooban sideetameeyo kun oo askari oo haysta ilaa 220 maraakiibta dagaalka ah, 51 diyaaradood, qaybaha kale ee maraakiibta dheeraysa ee  dagaalka degdega ah u xilsaaran, waxaana intaa u sii dheer raxan maraakiibta quusta ah, iyagoo sidoo kalena wadankaasi leeyahay ciidamada ilaalada xeebaha kuwaasoo tiradoodu gaadhayso ilaa 5500 askari kuna qalabaysan 14 diyaaradaha helicopterta ah ee ilaalaynta qaabilsan iyo sadex diyaaradaha dagaalka ah.

Quwadda ciidan ee turkiga waxaa kaloo ka mid ah ciidanka balaadhan ee loo yaqaano Darak oo tiradooduna gaadhayso 212,000 askari oo ku gaashaamn gaadiid ciidan oo gaadhaya 1500 oo gaadhi iyo lixdameeyo diyaaradaha helicopterta ee casriga ah, halka sidoo kalena ay wadanka turkigu leeyihiin ciidanka sida gaarka ah u tababaran oo taliskooduna si gaar ah u hoos yimaado taliyaha u sareeya ciidamada oo ah Madaxweynaha Dalka.

Ciidamada turkigu waxay gudaha ku farsameeyaan qaybo ka mid ah hubka laakiin waxay saanadooda ciidan ka  helaan dalalka Maraykanka, Jarmalka, ingiriiska, kuuriyada Koonfureed, talyaaniga, faransiiska, jabaan, shiinaha, ruushka, norwey iyo Sweden.

Hadaba marka laga qiyaas qaato cududa dhaqaale iyo ta millateri ee dalkaasi turkiga waxaa cad inay gaashaanka u daruuri karaan cid kasta oo farogelin ku samaysa arimaheeda gudaha iyo qaranimadeeda.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply