fb

Ma Rabtaa Inay Maal’Igtu Kuu Ducayso? Waa Inaa La Imaataa Arimahan Fudud..

Published: October 9, 2016, 9:53 pm

Rasuulka Allah (scw) ayaa xadiis kale ku yidhi “ Qofkii u duceeya walaalkiisa Muslinka ah isagoo ka maqan waxa madaxiis istaaga Malag loo wakiishay inta uu ducada dhamaynayo, waxaana uu yidhaadaa Aamiin, adiguna waxaad leedahay intaad ugu ducaysay in leeg”.

Qofka Allah (sw) dartiisa u bixiya hantidiisa waxa uu Rasuulka Allah (scw) yidhi “ Ma jiro qof  xoolihiisa bixiya, haddii uu jirana laba Malag ayaa soo dega, kan koowaad wuxu yidhaadaa Allahyow sii wuxuu bixiyay, (usoo celi) kan labaadna wuxu yidhaahdaa, Ilaahayow  wuxu haysto u barakee”.

Rasuulka Allah (scw) wuxu yidhi “ Allah (sw) , iyo Malaa’igtu waxay u duceeyaan qofka ku tukada safka hore, asxaabta ayaa ku yidhi , Rasuul Allaw (scw) safka labaadna? Rasuulka (scw) waa ka mid safka labaadna.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply