JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Ma Jirto Shaqo La’aan Ee Waxaa Jira Shaqaale La’aan, Ka Faa’ideyso Hadad Ganacsi Rajeyneyso..

Published: August 28, 2016, 9:15 pm

Halkan waxaan ku falaqeyn doonaa goobaha sida deg dega ah fursadaha shaqo loogu heli karo iyo wadiiqada shaqo abuurid aad ku bilaabi karto, ama ganacsi cusub aad ku aasaasi kartid, fakir kadib na bilow

Shirkadaha xawaaladaha : Waa meellaha sida aad ka ah shaqooyinka iyo shaqo abuurid loogu heli karo;

Tussaale: Hadii aad joogtid meel ay ka jirin xawaalad,  waxaad si dhaqso ah ku bilaabi kartaa inaad magaca xawaalda aad rabto inaad bilowdo, adiga oo shuruudaha ay rabaan maraya

Sarifka: Lacagaha qalaad.waa shaqo fudud meel kasta iyo waqti kasta waad bilaabi kartaa.

Shirkadaha telefoonada: waxaad ka heli kartaa fursado balaadhan oo shaqo ah .

Tusaale: waxaad ku darsan kartaa share, shaqo waad ka raadsan kartaa aad mushahar ka qaadaneysid service kooda waa iiibin kartaa.

Tusaale: waxad iibin kartaa kaadhadhkooda ku hadalka, waxaad sarifle ka noqon kartaa evc plus emaal adiga oo wax lacag badan u baahan ayad bilaabi karta shaqadan.

Beeraha: waa taqaanaa sida beerta loo fasho. waa ka mid noqon kartaa beera leyda. ama maal gashi ayaad ku sameesan kartaa wax badan ayad soo sari doontaa insha allah.

Xooolaha la dhaqdo: waa laf dhabarka dhaqaale waad dhoofin karta waa dhaqan kartaa ganacsi xoolaha aad ayuu suuuq u leyahay.

Kaluumeysi: bada sida wax looga soo saarto baro .fadhi lama rabo tijaabo samee ,waxaad si lacag la aan ah u bilaabi kartaa kaluumeysi, adiga oo u bahanin hanti wey ama lacag badan.

Tusaale: inaad shaqo ka raadsato ama ka biloowdo qof ka hortaagan malahan adiga ayaa iska maqan

Ugu dambeentii aad iyo aad ayey u badan yihiin goobaha shaqoyinka laga heli karo waxaa kaloo kamid ah shirkadaha ,sidaa darteeda waa inaad adigu fadhiga marka hore ka kacdaa.

W/Q: Cabdi Nasir Maxamed


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply