fb

Ma dareentaa deg-deg iyo deganaan la’aan in aad deris kula noqotay Dunidan?

Published: November 2, 2016, 1:02 pm

Dhalinyaroy waxaad ogaataan in Dunidan aysan marnaba buuxineyn rabitaanka iyo marnaanta gudahaaga.
Lacag kastaa hesho in aysan marnaba kuu noqoneyn mid kugu filan,

Gurigaaga inuusan marnaba kuu ahaanayn mid dhameystiran,

Xiriirada xaaraanta ah in aadan marnaba ka qaadeyn dareen run ah.

Gaarigaaga inuusan marnaba kuu noqon karin mid cillad la’aan ah,

Midabkaagoo aad bedesho & jirkaagoo qeyb qaawiso inaadan marnaba ku helayn midki saxda ahaa,
Derajo iyo xil inaysan marnaba ku siineyn deganaan maskaxeed,

Magacaagoo caan noqda & sacabkoo laguu tumo inaadan marnaba ku helayn qanaaco iyo farxad,
Qorshe kastoo aad sameysato inuusan marnaba noqoneyn mid kuu wada qabsooma.

Kolka ay sidaa tahay, intaa hada hurdada ka toosto qiro hal wax; si kastoo aad u dedaashay in Dunidan ay ku guul dareysatay inay buuxiso Marnaanta gudahaaga. Ka dibna garowso hal wax; in Allaah oo keliya uu buuxin karo, ku siin karo farxad, qanaaco iyo deganaan maskaxeed oo dhameystirn.

In waxa keliya kaa maqan oo aad u baahan tahay uu yahay Alle SWT in aad u noqoto. Marnaba dib ha u dhigan in aad Alle u noqoto, ha sugin inta waqtiga ku imanayo ama Alle ku soo qabanayo, Ogow qabashada Alle waa mid daran. U noqo Alle markaa ayaad is bedel dhab ah naftaada ku arki doontaa In Shaa Allaah.

Share – sii Faafi


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply