JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Labo Sheeko Oo Gaagaaban Balse Ka Turjumeyso Qayaanada Bini’aadamka Maanta..

Published: August 28, 2016, 11:02 am

Nin ayaa maalin u tegay  faaliye, makaasi ayuu ku yidhi waxaan doonaya inaad mustaqbalkayga wax iiga sheegto ?

Faaliyihi ayaa ku yidhi “ Waxad bixin doontaa 40 Dirham, marka hore”.

Ninkii ayaa ku yidhi “ Iska dhaaf, waxba garanmayside, haddii aad wax garanayso waxaad ogaan lahayd inay jeebadayda ku jirto 20 Dirham keliya. Si aan markiiba kuu siiyo.

Nin aad u jecel raashinka ayaa isna soo maray goob rag badani raashin ku cunayaan oo u garanayo? Way yaqaaneen inuu yahay cunto boobe , markaasi ayuu weydiiyay waxay  cunayaan. Waxaana ay ugu jawaabeen waa raashin sumaysan ee iska dhaaf adigu yaanad ku dhimane .

Isuguna intuu dhinaca kaga bilaabay ayuu ku yidhi “ Waan idinla cunayaa, noloshu ma iyadaaba qiimo leh idinka dabadiin.” 


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply