fb

La Yaabka Dunida:- Maxaad Ka Ogtahay Kabo Casri Ah Oo Xujaajta Hagaya!

Published: September 5, 2016, 11:06 am

Ninka haysta dhalashada Faransiisnka laakiin asal ahaan  u dhashay dalka Aljeriya  Kariim Amiini , ayaa curiyay kabo qofka Xaajiga ahi xidhan karo,  kuwaasi oo u samaynaya adeegyo badan.  Kabhani waxay u sheegayaan qiyaasta KM ee uu socday, heer kulka , iyo habeenkii oo ay iftiin laydh ah oo uu ku socdo samaynayaan.

Waxa kale oo ay awood u leeyihiin inay  sameeyaan dheeltirian dhinaca heer kulka gudaheeda kulaylka iyo qabowgaba. Waxa kale oo ay la socodsiinayaan haddii uu dariiqu ka khaldan yahay iyagoo ku baraarujinaya marka ay  adeegsanayaan nidaamka Joqraafiga Caalmiga ( GBS).

Kariim Amini waxa uu ku soo bandhigay kabahan xarunta electornica ee Las Vegas, US ee dalka Maraykanka. Kabahan ayaa suuqa soo galay iyadoo lagu iibinayo lacag dhan $ 450 ( Afar boqol iyo  konton doller) beerkii.

Kabo-Casri-Ah-310x209


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.