JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

La Yaabka Dunida Bas Ku Shaqeeya Saxarada Dadka Iyo Dadka Raacayo Oo Ku Raaxeysto…

Published: December 22, 2016, 9:36 pm

BAS KU SHAQEEYA SAXARADA DADKA.

Si loo yareeyo isticmaalka shidaalka ayaa aduunkan aan ku noolnahay waxaa ay u adeegsadaan siyaabo kala gadisan iyaga oo isticmaalaya hadba awooda tamarta la cusbooneysiin karo.

mashruucyadan ayaa kan ugu danbeeyay waxa uu yahay in haraaga saxarada bani aadamka loo adeegsado shidaalka gaadiidka sida lagu qoray wargayska Süddeutsche Zeitung ee ka soo baxa wadanka jarmalka.

ordaahda ah(Baskani waxaa uu ku shaqeynayaa saxarada si aan u gaarno mustqabla waara) ayaa lagu qoray qaybta kore ee baska ka shaqeeya magaada Bath iyo airporka Bristol ee wadanka ingriska iyadoo dhinacyada baskana lagu dhajiyay sawiro muujinaya dad musqul ku dhex jira oo saxaroonaya.

Warbixinta waxaa kale oo lagu sheegay in shirkadda Ginniko oo ku caanbaxday soo saarista tamarta la cusbooneysiiyo in ay ka shaqeysiisay tamrta laga sameeyay saxarada dadka ee ay basaskani ku shaqeeynayaan.waxaana sidoo kale lagu xusay warbixinta in basaskani ay 300 km kasta ay i isticmaali karaan qiyaas ahaan shan ruux saxaradooda.maalin walba

ugu danbeyntii haddii baniaadamka ku caan baxay in uu ka yaqyaqsoodo saxarada ayaa haatan si cad oo la arkayo loogu sheegayaa in gaadiidka ay isticmaalayaan uu ku shaqeynayo saxaradooda.sida aad ku aragtaan sawirka baska warbixinta la socda,waxaana laga yaabaa mustaqbalka dadka gaadiidka wata in ay ka maarmaan iibsiga shidaalka oo ay saxaradooda inta ay keedsadaan ku badashaan tamar si ay ugu socodsiinayaan gaadiidka,la arki doonee waxa kale ee ku soo xiga.

W/D Mohamed Abukar Sheik Hassan


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply