JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Khansaa, haweenaydii 40 sanadood u baroordiiqaysay Walaalkeed, Maxaa badalay ..?

Published: December 7, 2016, 4:55 pm

TAARIIKHDA ALKHANSAA: AKHRISO
Islaamnimada kahor:

Al-khansaa, waxay kasoo jeedaa qoys carabta magac iyo sharaf ku dhex lahaa, waxayna ku barbaartay guri lagu majeerto geesinimada iyo deeqsinimadaba. Waxay la noolayd aabaheed, walaaladeed Sakhar iyo Mucaawiya, waxayna labada wiil ahaayeen kuwo naftood hurayaal ah sida ay ku sheegayso gabayada ay tiriso. Al-Khansaa waxa soo doonay nin madax u ahaa qabiilka reer Jushum waa Durayd ibnu Al-samtah, kadibna Al-khansaa way diiday ninkaas guurkiisa ayadoo ka doorbiday wiil ay ilmo adeer yihiin.

Dabadeedna waxay guursatay inaadeerkeed Rawaaxa ibnu Cabdulcuza Al-sulami waxayna u dhashay hal wiil hase ahaatee ninka qaba ayey ku eedaysay inuu ahaa nin ku cayaara xoolaha, ugu danbeyna way kala tageen oo waxay guursatay nin kale oo ay ilmo adeer yihiin Murdaas ibnu Caamir al-sulami, ayadoo u dhashay afar wiil.

Al-Khansaa waxay ku caanbaxday gabayo suugaaneed oo baroor diiq ahaa oo ay u tiri jirtay labadeedii walaa Sakhar iyo Mucaawiya. Carabtii xilligaa noolayd aqoon badan ayey u lahaayeen haweenaydan Al-Khansaa. Tusaale ahaan markii Dagaalkii Badar uu dhacay waxa la dilay Cutbah, Shaybah iyo Waliid ibnu Cutbah oo sadexdaasba waxay isku qoys yihiin hinda bintu Cutbah, waliid walaalkeed ayuu ahaa, Cutabana aabaheed iyo Shaybah oo adeerkeed ahaa. Dabadeedna Hinda waxay u baroordiiqday musiibada soo gaadhay ayadoo la barbardhigtay dhibta soo gaadhay tii asiibtay Al-khanaa.

Islaamnimadii Al-khansaa:

Wuxuu sheegay Ibnu Cabdulbarri: Al-khansaa waxa la islaamtay qoomkeedii reer bani Suleym, waxaana la sheegaa inuu Nabigu (s.c.w) ka dalbay inay gabaydo oo uu la cajabay gabaydeedii. Al-khansaa waxay ahayd ruug cadaa soo gaadhay xilligii jaahiliga ee islaamka kahor iyo xilligu islaamku soo ifbaxayba, wayna islaamtay oo ay wanaagsanaatay islaamnimadeedu. [1]


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply