JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Kala Barro Magacyada 15 ka mid ah Waxyaabaha Loo Yaqaano CABSI CUQDADEED

Published: August 24, 2016, 1:12 pm

Psychology: Cabsi Cuqdadeed – Phobias
Magacyada 15 ka mid ah

1. Ambulophobia- Waa cabsida wado ku lugeynta. Wuxuu qofku ka baqaa in dadka dhinacyada fadhiya oo dhami soo eegayaan

2. Cacophobia – waa cabsida foolxumada. Wuxuu qofku ka baqaa dhar kastuu ku labisto ama sawir kastuu galo in uu ku foolxun yahay ama dadku oran waayaan waa qurxoon tahay!

3. Philophobia – Waa cabsida qofka jaceylka ka qabo, inuu wax jeclaado ama la jeclaado

4. Antefamaphobia – waa cabsida xanta. Wuxuu u heystaa qofkaa in dadku ka hadlayeen ayna joojiyeen markuu qolka soo galay. Wuxuu kale oo diidaa inuu ka hor kaco fadhiga saaxiibadii isagoo ka baqaya inay galaan – xantaan!

5. Nomophobia – Cabsida in battery-ga mobile-ka kaa dhaco, dad badan maanta waa naxdinta ugu weyn inay arkaan fariinta ah “battery low”

6. Somniphobia – waxaa kale oo loo yaqaan hypnophobia waa cabsida qofka inuu seexdo. Wuxuu ka baqaa in qolka loogu jiro ama uu wax xun arko

7. Haphephobia – Waa cabsida qofku ka qabo in korkiisa la taabto. Iska ilaali inaa taabato qof cuqdadan qaba

8. Hylophobia – Waa cabsida alwaaxda, kaymaha iyo geedaha. Waxaa dhici karta in qofka yaraantiisi ul lagu garaaci jiray ama lagu soo weeraray meel duur ah

9. Decidophobia – Waa cabsida go’aan qaadashada. Wuxuu ka baqaa in belo dhacdo hadduu go’aan gaaro

10. Euphobia – waa cabsida warka fiican. Waxay inta badan ku dhacdaa dadka mucaaradka goortii wax fiican la qabto ama natiijo fiican la gaaro

11. Kakorrhaphiaphobia – Waa cabsida in qofku khasaaro ama fashilmo. Wuxuu qofku ka joogsadaa in uu wax cusub isku dayo ama sameeyo baqdintaa darteed

12. Anuptaphobia – Waa cabsida cuqdadeed ee in qofku guursan waayo ama la guursan waayo, oo uu kelinimo ku weynaado

13. Peladophobia – Waa casbida qofku ka qabo dadka madaxa xiiran

14. Caligynephobia – Waxa kale oo loo yaqaan Venustraphobia, waa cabsida Dumarka Qurxoon. Rag badan ayaa ka baqa dumarka qurxoon inay la sheekeystaan ama guursadaan sababtoo waxay cuqdad ka qabaan in ….

15. Gerascophobia – Waa cabsida in qofku gaboobo. Wuxuu ka baqaa da’da. Oday weyn markaad dhahdo Adeer ama Islaan weyn aad dhahdo Eedo aad bay uga xanaaqaan inta badan, waana sifada lagu yaqaan cuqdadan

Ma isku aragtay mid ka mid ah liiskan ama ma taqaan qof ah? Kee baa ku cajabiyay?

La Wadaag Asxaabtaada


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply