fb

Ka Faa’ideyso Daraasad Ka Digtay Khadarta Caafimaad Ee Cunista Sonkorta..

Published: October 11, 2016, 1:09 am

Isticmaalka sokorta badan waxaa ay halis ku tahay qofka jidhkiisa iyo caafimaadkiisa, sidaasi waxaa xusay warbixin laga diyaariyay daraasad ay soo saareen seynisyahano u dhashay dalka Mareykanka.

Daraasaddan ayaa waxaa u kuur galay soona saaray Dhakhtar ka soo jeeda Mareykanka, waxaa kaloo ay xuseen dadka badankii in aaney ku baraarugsaneyn halista ay leedahay isticmaalka badan ee sokorta.

Warbixintan oo lagu soo daabacay bogagaga shabakadaha caafimaadka waxaa ay ka ku baaqday in aad looga taxadaro sokorta badan maadaama ay ka dhashaan cuduro aad halis u ah.

Saynisyahanada ayaa kula dardaarmay dadka inay iska yareeyaan sokorta sida: sharaabka laqooshto (in aan lagu badin sokorta iyo raashiinka intuba), taa soo ah mida keliya ee lagu yareyn karo halista dhanka caafimaadka ee sokorta ay leedahay.

Saynisyahanadan soo saray darasaddan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Mareykanka, waa dhakhaatiir ku xeel dheer culuumta cafimaadka.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply