fb

‘Inantayda Waxaan U Bixiyay Telefoon’ Dhacdo Cajiib Ah Dunida Ka Yaabisay..!!

Published: November 14, 2016, 7:19 pm

Gabadh u dhalatay dalka Talyaaniga oo deganayd tuulo fog oo ku taalla buuraha magaalada Polonia ee waqooyiga Talyaaniga ayaa la keenay Isbitaal ku yaalay meel u dhow tuulada ay ku noolayd ka dib markii ay  qabatay fooli iyadoo wakhtigaasi dareemaysay xanuun aad u badan. Nasiib daro markii dhakhtarkan la keenay haba yaraatee muu lahayn qaybta dhalmada ma joogin dhakhtar qaabilsan dhalmada.

Gabadh dhakhtar xanuunada guud ah oo ku sugnayd ayaa isla markiiba kula xidhiidhay Telefoon dhakhtar qaabilsan dhinaca dhalamada, kaasi oo ku hagay habkii iyo qaabkii ay u caawin lahayd gabadha foosha iyo xanuunku isu raaceen.

Dhakhtarada ayaa muddo 40 daqiiqo gudahood ah ku guulaysatay inay ka umuliso isla markaana siiso dawooyina xanuunka ka jara. Gabadha umushay ayaa markii ay ka nefistay xanuunkii ku dhowaaqday Inantayda waxaan u bixinayaa magaca Telefoon , madaama uu yahay kan aan ku badbaadiy sababtiisa aniga ilamahayguba.   ( Majalatu Abu-nawa).


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

One Comment : ‘Inantayda Waxaan U Bixiyay Telefoon’ Dhacdo Cajiib Ah Dunida Ka Yaabisay..!!

  1. abdullahi says:

    war heedhe website ka iska hagaajiya qayb dhan waxaa qarinaya colour label

Leave a Reply