fb

In Badan Oo Aad Iloowsan Tahay Oo Aan Maanta Kaa Xasuusin Doono ‘DEMBIYADA QARSOON’..!!

Published: October 24, 2016, 11:57 pm

Aad ayey u Qurux badan tahay inaad aragto Wiil Dhalinyaro oo Dushiisa Diintu ka muuqdo, Garkiisii daayay, Sunadii Nabiga CSW, soo Nooleeyay, Salaada Masjidka ku Dadaalaya, Dadka Wanaagsan la Saaxiibay.

Amase Gabar Asturkii Diinta xiratay, Xijaabkii loo baahnaa Hagoogatay, Waddada marka ay socoto laga Dareemayo Dhaqankii Islaamka.

Laakiin intaasba waxaa ka sii Qurux badan oo ka sii Muhiimsan in uu Qalbigoodu uu Nadiif yahay, Qalibigoodu ka maran yahay Xumaha Qarsoon.

Walaalayaal maanta waxaan ku jiraa xilli ay Fitantu qof kasta soo gashay Gacmahiisa, Jeebashiisa, iyo Dhamaan Noloshiisa, haddii aan waagii hore ka Baqi jirnay inaan aragno Gabar Qaawan oo Suuqa mareysa, Maanta Naagihii aduunka oo idil ayaa Mobailkaaga kuugu jira oo waliba wada Qaawan, Alaahna wuu Fiirinyaa iimaankaaga iyo sida aad u Xakamaysid Naftaada.

Dhalinyaro badan ayaa Maanta ku Milantay websiteyada Xumaanta Faafiya, kuwa kale ayaa Xumman ku dhacay oo Gabdho Islaam dhalay Dhagar ka galay, oo Zino iyo Faaxisho ku dhacay. kuwo kale ayaa Ceebahoodii meelaha la soo Dhigay. (Inaa lillahi wa Inaa ilayhi Raajicuun). War Alle halaga Baqo Adduunkaan waa laga tegaa.

Nabiga CSW, waxuu yiri:- Dad Umadeyda ka mid ah ayaa Maalinta Qimaame la iman doona Ajirro iyo Xasanaadyo Buuraha la’eg markaas ayuu Allaah ka yeeli doonaa Boor (Bus) la Afuufay oo kale. Asxaabtu waxey yiraahdeen:- Rasuulkii Allow bal noo sheeg kuwaas, wuxuu yiri Nabiga CSW, Waa Walaalihiin, Habeenkii ka Tukada inta aad ka Tukataan oo kale, laakiin marka ay Xumaanta la keli noqdaan ayey Dillaaciyaan.

Walaalka Muslimka ahoow iska ilaali inaad ka mid noqoto kuwaas Ayaanka daran.

(ILAAHOOW NOO DEMBI DHAAF).
W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply