JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Huteel Maalintii u Adeega Maal-qabeenadda, Habeenkiina Masaakiinta

Published: December 6, 2016, 2:38 pm

Wargeyska Guardian ee dalka Ingrisiika, ayaa daabacay in huteelka ku yaalla suuqyada ugu sareeya magaalada Madrid ee dalka Spain oo lagu magacaabo Robin Hood uu maalintii  macmiil u yihiin  dadka maalqabeenka  ee caanka ah.

Laakiin Huteelkan ayaa habeenkii isu bedela goob dadka saboolka ah ee Spain looga yaqaano  “Gutiérrez” ay raashinka iyo hurdada ka helaan iyadoo aan la weydiin wax lacag ah oo bilaash yahay.

Huteelkan waxa loo ogol yahay  da’da 40 sanno jirka ah. Waxaana raashinka lagu siiyaana miisaska quruxd badan ee huteelka iyo balaydho macadan ka samaysan oo ka qaalisan kuwa ay dadka hantida lihi wax ku cunaan maalintii.

Habeenkii huteelkan qurux u siii kordha mooyee haba yaraate ma jirto wax ka nusqaamaa, dadkaasina loolama  dhaqmo sida masaakiinta iyo in wax bilaash ah la siinayo midna. Waxaana loogu adeegaa si heersare ah oo la mid ah sida maalqabeenada loogu adeego.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply