JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Hurdada Yar Iyo Hurdada Badan Oo La Ogaaday Inay Keenaan Xanuunada Wadnaha Ku Dhaca Qaarkood

Published: September 23, 2016, 2:11 pm

Khubaro ka socotay ururka caafimaadka Maraykanka ee lagu magcaabo American Medical Association ayaa daraasad ay dhowaan sameeyeen oo ay ku baadhayeen waxyaalaha keena xanuunada wadnaha ku dhaca kazoo saaray warbixin .

Khubaradan ayaa maalintii Isniintii ina dhaaftay waxay soo saareen warbixintaasi,iyaga oo ku daabacay wargeyska caafimaadka ka hadla ee lagu magcaabo Sirculishen oo uu warbixintan kazoo xigtay wargeyska Dawan , waxaanay warbixintaasi ku tilmaameen inay ku ogaadeen in hurdada oo qofku yaraysto iyo iyada oo uu badsadoba ay keento qaybo kamid ah xanuunada ku dhaca wadnaha.

Dr Mary St Aung oo ka socotay jaamacadda Columbia University oo ku taala magaalada New York ayaa sheegtay in aanay hayn inta loo baahan yahay hurdada si loo yareeyo khatartan xanuunada wadnaha ku dhaca ee ay keenayaan hurdada yar iyo hurdada badani,iyada oo intaasi ku dartay in dadka seexda in ka badan sagaal saacadood ,sidoo kalena seexda in ka yar ilaa toddoba saacadood ay khatar ugu jiraan inay ku dhacaan xanuuno badan oo ku dhaca wadnaha.

Khubaradan ayaa sheegay in qofka oo seexda hurdo aan dheeli tirnayn uu khatar ugu jiro in uu ku dhaco wadne xanuun iyo sidoo kalena xididada dhiiga oo noqda kuwo khal khala, waxaanay xuseen xanuunada ay kamidka yihiin Dhiig Karka ,Wadnaha oo u garaaca qofka si aan caadi ahayn,kaas oo hadhowna keena inuu istaago ama dhiig ku furmo, Faaliga ,Qofka oo baruur aan dabiici ahayni korto iyo Macaanka oo isna dadka dhib badan ku haya.

Khubaradan ayaa intaasi ku daray in ay jiraan xanuuno badan oo laga qaado hurdo xumadu,kuwaas oo nafta qofka khatar geliya, mararka qaarna looba dhinto.

Waxay khubaradani intaasi ku dareen in ay sii wadayaan daraasadan iyo kuwa lamidka ah , iyaga oo si qoto dheer u baadhaaya hurda xumada iyo xidhiidhkay la lee dahay xanuunada macaanka, Dhiig karta  iyo wadne xanuunku kamidka yihiin.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.