fb

Hooyadaan Sadaqadii Aay Baxsatay Awgii Wiilkeeda Illaa 25sano Ka Gaaro Wax Dhaqtar Ah Uma Baahan ‘Qiso Gaaban Oo Cajiib Ah’

Published: June 21, 2014, 12:50 pm

Gabar ayaa Habeenka bar soo kacday si ay Xamaamka (Suuliga) u aado, balse waxey Aragtay Wiilkeeda yaraa oo Sanka Dhiig ka socdo waxay u Carartay Odaygeedii,

Waxeyna ku tiri:- Hebeloow kaalay aan Wiilka Dhakhtar geynee wuxuu ugu jawaabay:- War inankaagu Boqol Nafood malahee ha i toosin waan yara Hurdayaaye,

Gabadhii meel ay u kacdo ayay Garan wayday balse waxey Xasuustay Qisado ku dhacday Wiil yar oo Doon saarnaa (Doonta markuu saarnaa ayuu Sadaqeystay Laba Xabo oo Rooti ah, balse Doontii ayaa Degtay waxaa isaga keligii u soo Gurmaday Laba Nin weyna Badbaadiyeen, waxeyna ku yirahdeen:- mana Garaneysaa?, kolkaas ayuu yiri:- Maya, waxay ku yiraahdeen waxan nahay Labadii Roorida ahaa ee aad Sadaqaysatay).

Haddaba, Gabadhii waxey Damacday iney Sadaqo bixiso si uu Alle ugu Shaafiyo Wiilkeeda, markiiba Khaanadaha Dharka ayey Baartay, ka dib Dhar ay laheyd ayey soo qaaday Albaabka ayeyna Furtay, cidna wey ka weyday waa Xilli Saq dhexe Habeennimo, Dharkii Kaabada Guriga ayey saartay waxay tiri: ilaahoow iga Aqbal, Wiilkeygana Caafimaad ku sii, Intaas ka dib Albaabkii ayey Xirtay,

Weyna Seexatay, waxey Kacday Xilli Dambe oo uu Aadaanka Subxeed uu Dhow yahay, waxeyna Aragtay Wiilkeedii oo Dhiigii ka Go’ay, Sankiisuna Nadiif yahay, misana waxey u Carartay Dibada mise Dharkiiba ma yaalo, Wiilkeeduna ilaa intuu 25jir ka Gaaro Dhakhtar mey tusin, wax Xanuun ahina kuma Dhicin. (Maasha allaah intaasi waa Sadaqadii ay bixisay oo uu ilaah ka Aqbalay).

Wabillaahi Towfiiq.
(ALOOW SADAQADA FADLIGEEDA NAGU BADBAADI).
W/Q Mohamed Abdullahi Ali


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply