fb

Halkee Ayey Ka Khaldantaa Terbiyada Carruurta Xilliga Aay U Baahan Yihiin Wadada Toosan..

Published: October 4, 2016, 2:11 pm

day wax badan oo ka khaldan kobcinta garaadkooda .

Umadaha dunida ku nooli waxa ay ku kala duwan yihiin dhaqanka ,diinta,aragtida iyo noloshaba waxa aan hubaa in soomaalidu wax badan kaga wanaagsan tahay dunida inteeda kale ,waxakale oo aan indhaha laga qarsan Karin in soomaalida wax badan lagaga fiican yahay,

waxyaaba lagaga fiican yahayna ka mida barbaarinta haboon ee ilmaha ,bal hadaba aynu dhinacyo kala duwanka eegno ilmaha soomaaligaah iyo xaaladaha uu ku sugan yahay .

Ilmaha soomaaliga ahMarka uu gaadho ilma soomaaliga ahi laba sanoilaa saddex sano badankooda waxa lagu afbaraa erayo dagaal iyo cay ku salaysan tusalaale ahaan

tag ,soco ,diiday,bax

iyo kuwo la nooca iyada oo ilmaha la kala jiidanayo ,qaar kale cay xun xun ayayba bartaan,

aniga fikirkayga , ilmo soomaali ah oo wadanka ku koray oo aan cay iyo dagaal aqoon wuuyaryahay ,inta badan dugsiga hore looma geeyo ,waxa la geeyaa marka uu gaadho shan jir ilaa lix jir 6 badanaa waxatoos loo qoraa fasalka koowaad ,

halkii laga gaynlahaa meelaha ilmaha yar lagu sii tababaro dugsiga ka hor ee afka qalaad lagu yidhaa

(kindergarten),ilmahan fasalka koowaad la qoray qalinka iyo buuga in uu wax ku qoro waxa uu ka jecel yahay in uu jeex jeexo oo uu ku ciyaaro ,

waayo ma garanayo qiimaha iyo waxa loogu talo galay , ciyaarta ayaa kala qiimo badan cashar loo dhigo .

ilmihii yaraa ee aan wali fahmin buug iyo qalin ayuu macalinku doonaa inuu qasab wax ku baro ,dil iyo dagaal ayaa ilmihii lagu ababiyaa,

waalidkiina ta macalinku ilmaha ku hayo mid lamida ayuu ilmihii kula dhaqmaa ,ilmihii waxa uu dhaxda u galaa laba cadow oo kala ah waalidkii oo guriga ku garaaca marka uu casharkii ka mashquulo iyo macalinkii dugsiga oo qasab wax ku bar is yidhaa.

Waalidiinta qaar ujeedadaay ilmaha dugsiga u keenaan ma cada , bare an mar ka waraystay caruurta ayaa igu yiri

Waxaa iitimi mid kamida waalidiinta ayaa maalin dugsi aan barre kaahaa noogu timid waxay nagu tidhi

(caruurta dugsiga umaan keenin in ay wax bartaan ee waxa aan is idhi inta aad qadada karinayso hakaa maqnaadaan ,sidaa darteed iska celiya oo edbiya ),

runteed ayay ahayd waxana aan aaminsanahay in waalid badani arinkaa kala simanyihiin .

Mida labaad ee waalidka iyo barayaasha ka khaldantaa waxa weeyi sida ilmaha loo tarbiyadeeyo ,

marka yurub la joogo ilmaha lama dilo laakiin waxa lagula dhaqmaa cilmi nafsi ,

tusaale ahaan waxailmaha lagu cabsi galiyaa haduu wax khalad ah sameeyo in uu waayi doono wax uu jecel yahay,ilmaha waalidka iyo macalinka aqoonta lihiba way ka waayo aragsan yihiin ,sidaa darteed way ka cabsiin karaan iyaga oo aan ul iyo garaacid midna ku samayn .

Dilmada iyo garaacu waa xalka ugu dambeeya ee ilmaha lagu eego ,laakiin ayaan darada ku dhacdayilmaha soomaaliga ahi waxa ay tahay in isaga ooaan 7 jir gaadhin in si kasta loo dilo oo uu ilmihii noqdo ma naxe aan damqan oo aan hanjabaad iyo garaacid midna ka baqaynin.

Intaa waxa dheer marka ay isku yimaadaan ciyaal kala wada duwan oo ka kala yimid guryo kala duwan waxa ay kala bartaan cay iyo xumaan ay hooyo la caayaa ka kow tahay,marka uu ilmuhu dibada u baxo waxa uu soo baranayaa saaxiibo xun xun iyo dagaal taasina waxa ay sii xumaysaa akhlaaqdii iyo anshixii wanaagsanaa ee uu ilmuhu ku barbaari lahaa .

W/Q: FAADUMO C/RAXMAN YUUSUF


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.