fb

Halkaan Ka Akhriso Tobanka Xanuun Ee Sinjibiishu Sida Fiican U Daaweyso..

Published: September 7, 2016, 12:00 pm

Dadkii berigii hore wax dawaynjiray,waxay aad u isticmaalijireen,xididada geedka Sinjibiisha,si ay ugu daweeyaan cuduro tiro badan,waxaanay cadaysay baadhitaano tirabadan oo la sameeyey

Dadkii berigii hore wax dawaynjiray,waxay aad u isticmaalijireen,xididada geedka Sinjibiisha,si ay ugu daweeyaan cuduro tiro badan,waxaanay cadaysay baadhitaano tirabadan oo la sameeyey mudo dheer inuu geedkani leeyahay raad caafimaad oo wayn,sidaa daraadeed,ayaa dadku aad u isticmaalaan,waxaana laxaqiijiyay inuu 10 cudur baajiyo ama ka dawo yahayba,waana kuwan anakoo soo koobnay tarjumadeedii:

1-Sidaan hore u soo aragnay baadhitaano badan oo lasameeyey ayaa cadeeyey faa’iidooyin badan oo ay Sinjibiishu leedahay,kuwaas oo lagu dawayn karo cudura kudhaca wadnaha,xididada wadnaha iyo sidoo kale dhibaatooyinka caloosha ku dhaca iyo xanuunka Sonkorta laakiin faa’iidooyinkaa tirada baan waxay u baahanyihiin in lahubiyo si ay Sinjibiishu u noqoto dawo dabiiciya oo bedesha tan kiimikada ah ee aan hada isticmaalo.

2-Sinjibiishu waxay dishaa ama ladagaalantaa cudurka Kansarka.Waxa ay soo saartay BMC Complementary and Alternative Medicine sanadkii 2011 bishii sagaalaad baadhitaan ay mudo wadeen oo ay ku sheegeen sida Sinjibiishu ula dagaalanto cudurka Kansarka isla markaana u diido inuu samaysmo cudurkaasi.Dad lagu tijaabiyay ayaa siwayn ugu caafimaaday isticmaalka geedkan.

3-Isticmaalka Sinjibiishu wuxuu yareeyaa subaga dhiiga.

Cilmi baadhis ay samaysay majalad ka hadasha cuntada iyo beeraha,ayay ku ogaatay in Sinjibiishu jidhka ka nuugto subaga,kadib markii Jiir lagu tijaabiyay.

4-Sinjibiishu waxay ka hortagtaa jidhku inuu yeesho guntimo ama goobo bararsan.Majalada ka hadasha dhibaatooyinka cunooyinku abuuraan ayaa baadhitaan ay samaysay ku ogaatay in Sinjibiishu waxtar wayn u leedahay ka hortaga jidhku inuu yeesho kuus-kuus ama jidhka oo meelo ka mid ahi bar-bararaab.

Kadib markii ay gaadhay goobtii bugtay maadad ama mid kamid ah waxyaalaha ay Sinjibiishu ka koobantahay oo layidhaahdo “Shogaol”,waxaanay dareemeen cilmi baadhayaashii bararkii oo aad hoos ugu dhacay,kadib markii ay badatay samaysanka ama unkanka “heat-shock protein” oo laga helo Sinjibiisha.

5-Sinjibiishu waxay kordhisaa Dhareerka.Kadib markii hal mar oo keli ah Jiir lagu muday Sinjibiil,waxaa la ogaaday ama la arkay jiirkii oo dhareer badani ka daadanayo mudo 7 daqiiqo gudahood ah,waxaana laysku raacsanyahay in dhareerku aad muhiim ugu yahay caafimaadka ilkaha.

6-xididkani wuxuu wax ka taraa daryeelka iyo caafimaad qabka Beerka.

7-Sinjibiisu wuxuu joojiyaa kaarka oo xanuuno badani sababaan.

8- sida ay sheegtay majalada Reproductive Sciences sinjibiishu waxay dumarka ka caawisaa sidii ay si dabiici ah ugu dhali lahaayeen.

9-Sinjibiishu waxay dishaa Bakteeriyada,waxaana arinkaa lagu ogaaday markii lagu shubay dheecaanka geedkan meel ay ku jirtay Bekteeriya,kadibna ay si fudud uga takhalustay.

10-Faa’iidooyinka ay leeyihiin “antioxidants”ee laga helo Sinjibiisha oo farabadan waxay wax wayn u taraan dareemayaasha maskaxda waxaanay yareeyaan dhibaatooyinka uu leeyahay xanuunka ” Alzheimer’s disease”.

Tarjumaadii iyo Habayntii Weriye Saciid Jamaal


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.