JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Halis Caafimaad Maka Dhalan Kartaa Inaad Ku Seexat Habeen Walbo Nalka Oo Shidan..

Published: November 28, 2016, 12:52 am

Wargeyska Current  Biology  ayaa soo bandhigay daraasad cusub oo dhowaan ay sameeyeen aqoonyahano Holand u dhashay, kuwaasi oo caddeeyey  in laydhka oo habeenkii isagoo shidan aad seexataa ay keenayso dhibaatooyin caafimaad.

Waxayna daraasaddu soo bandhigtay xidhiidhka ka dhexeeya laydhka shidan ee lagu seexdo iyo cudurro badan oo kala duwan. Waxa kale oo ay cilmi baadhayaashu sheegeen in xataa maalintiina ay la mid tahay haddii aad seexanayso.

Warbixinta ayaa caddaysay in bakhtiinta laydhka  ay tahay arrin lagama maarmaan ah oo xidhiidh la leh caafimaadka qofka.

Xaqiiqdan cilmiga ah ayaa dhowaan la ogaaday taasi oo muujisay in marka qofku hurdo iftiinka laydhka ee shidani waxyeelo u geysanayo maskaxda qofka.  Rasuulka ALLE (SCW) ayaa xadiis ku yidhi “ Haddii aad seexataan bakhtiiya Faynuuska” Werin Abu-Da’uud.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply