JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Habka Aad Qofka U Salaantaa Waxay Cadayn Kartaa Sida Uu Yahay Jawiga Aad Ku Sugan Tahay..

Published: October 13, 2016, 2:51 pm

Daraasad cusub oo ay dhowaan soo saareen khubaro dhanka caafimaadka ahi ayaa lagu sheegay in habka ay dadku isu salaamaan tahay mid muujin karta sida uu yahay xaalkiisa caafimaad.

Daraasadan oo dhowaan la shaaciyey laguna qoray wargeyska Telegraph oo uu kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa lagu sheegay in qofka oo si adag u salaama qofka kale ay muujinayso inuu yahay mid caafimaad qaba, sidoo kalena dhisan muruqyo ahaan, waxa kale oo gacanta oo debecsani muujsaa laba xaaladood oo kala ah in qofku xanuunsanaayo iyo inuu daalan yahay.

Madaxa daraasadan kooxda waday oo lagu magcaabo Nadia Seiber oo ka tirsan qaybta Sociology-ga ee jaamacadda Vienna ee dalkaasi Austria ayaa sheegtay in qofka si fiican loogaga qiyaas qaadan karo qaabka caafimaadkiisa salaanta la salaamo iyo sida uu ku gacan qaado.

Nadia ayaa sheegtay in habkani yahay mid cusub oo weliba fudud ,laguna ogaan karo hadba xaalada uu qofku ku jiro, waxaanay intaas ku dartay in ay daraasadan dhexdeedii sameeyeen tijaabooyin ay ka qaadeen dad kala duwan oo tiro ahaan dhamaa 12,000 oo qof, kuwaas oo da’doodu u dhaxaysay 17 sanno jir ilaa 90 sanno jir.

Waxaanay intaasi ku dartay inay eegayeen jisiga qofka ,da’diisa iyo sidoo kalena koritaankiisa jidheed,iyada oo natiijada lagu muujiyey in waqtiga dadku ugu xoogan yihiin ay tahay intay ku jiraan da’da ah 30 ilaa 40 sanno, wixii intaas ka dambeeyana uu qofku noqdo mid hoos usoo dhaca.

Waqtiga uu qofku ugu xoogan yahay ayay sheegeen inuu yahay mid si fiican isaga xejiya salaanta iyo gacantiisa oo si adag loo qabto,taas oo aanu awoodin haddii uu xanuunsanaayo iyo haddii uu daalan ahay labadaba.

Waxaanay gabadhaasi Steiber sheegtay in 10% kamid ah dadkaasi u dhexeeya da’ahaan 65 sanno jir ilaa 69 sanno jir ay lee yihiin awood ay markay ku salaamaan gacantaada si adag kugu qaban karaan , sidoo kalena gacanta si fiican u ruxi karaan inta salaanta lagu jiro.

Halka uu kor usii kacaayo tirada dadka da’doodu tahay 80 ilaa 90 ka ee ay hoos u dhacayso awoodoodu, iyada oo gaadhey 50%.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply