JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Habeenkii Kunka Habeen Sheeko Xiiso Badan Qeybtii Koowaad iyo Qalinkii Xasan Yuusuf “Leego’..

Published: September 3, 2016, 1:02 pm

HABEENKII KUNKA HABEEN Q1AAD

Kursi isbuunyo ka ah qeybta looga fadhiisto, geesaha sare iyo labada garab ee xusullada la saarto, ka ah caaw is dhaafdhaafsan, muuqaal ahaanna aan foolxumo ishu ka naxeyso aheyn, ayey salka la heshay. Iyada oo miis yar oo dhalo ka ah qeybta sare, lugaha uu ku taaganyahayna ay ka sameysan yihiin balaastiig adag, dushiina uu ka muuqdo ubax midabeysan, sii saaraneysa boorso yar oo ay gacanta ku wadatay.

Dhoollaha ayey caddeyneysaa si aan aad aheyn, iyadoo cabburineysa dhoollacaddeys dhab ah, oo waayo badan ay sugeysay. Farxadda iyo dareenka niyaddeeda ku jira, waxaa uu gaarsiisanyahay heerka ugu sarreeya, ee qof hiyikaciisu gaari karo. Dad badan oo goobta u soo nasiino iyo jawi doontay, ayaa hareeraheeda fadhiya.

Layrar yaryar oo dhowr meelood oo hooseeya yaalla, ayaa iftiin aan badneyn oo kaliya in qofka wajigiisa la aqoonsado sahlaya sii deynaya. Dhanka wajigeeda ku aaddan waxaa ka soo xirma garabka dhismaha dhirirka badan oo ay qeybtiisa sare oo barxadda ah ay saaran yihiin. Biro wareegsan oo sidii saab is ku dhaafdhaafsan, ayaa soo xiraya gidaarka, kuna qotoma dhismaha daafaha barxadda. Daldaloollo yaryar, oo biraha dhexdooda ahna waxaa ay ka daawanayaan dhismeyaasha kale, ee xaafadda aad ka u dhisan, loona yaqaanno; High-tech City, kana tirsan magaalada Hyderabad ee waddanka Hindiya.

Haddii ay indhaha horay u sii dhigaan, waxaa ay arkayaan beer wada cagaar ah, oo ku taalla qeybta hoose ee dhismaha. Dhinaca qorrax ka soo baxa, oo si aad ah indhaha u soo jiidaneysa, waxaa ku yaalla ubaxyo nuucyo ka la duwan ah. Midab kasta oo ubaxba, waxaa ka dhex shidan layr midabkiisa oo kale u iftiimaya. Indhihii daawadaa ka ma jeesanayaan.

Waxaa hadba soo dulmeeraya, mid ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya kafateeriyo dalxiisayaashu ay ka cunteeyaan, oo ku taalla qeybta ay ka fadhiyaan Moolka (mall) ku dhexyaalla xaafaddan, oo maalin kastaa ay dalxiis gaaban ku yimaadaan kumannaan lammaane, oo ay jawi ku qaataan, kana adeegtaan. Dhowr jeer ayuu ku soo noqday kabalyeerigii, oo uu su’aalo weydiiyay ka horse jaanis loo ma heyne, oo waxaa markaan la hadlay Axmed, oo Aasiyo meesha ku sugayey, oo ay fadhiga ugu timid, dalab ayuuna ka qaaday isagoo u soo adeegay.

Aasiya caawa waa u cawo kale. Waa habeen ay in badan oo nolosheeda ka mid ah sugeysay. Waa habeen ay waayo badan rajeyneysay, in kastoo ay soo martay marar badan oo ay nafteeda dhibbani u sheegtay in ay ka samirto, go’aan ka qaadashadiisana uu u diiday jaceyl aan xad laheyn oo ay u heysay Axmed, kaa oo muddadii shantii sano ee nolosheeda u dambeysay ay dhibbane aan garab heysan ku aheyd. Nafteedii adkeysiga badneyd ayey u mahad naqeysaa caawa, oo ay leedahay “dadaalaa wuu gaaraa” oo caawa labo guulood baad gacanta ku heysaa.

Axmed isagu mid Aasiyo ayuu ka la simanyahay, midse waa uu kaga duwan yahay. Waxaa uu caawa ka la mid yahay in laabtiisa ay ku badan tahay galgacalka iyo jaceylka Aasiya uu hadda u hayo. Waa jaceyl curdun ah, oo imika hana qaadaya. Waa jaceyl kalsooni badan uu ku qabo, maadaaba uu garowsan yahay waayihii badnaa, oo daraaddii loo soo dhibtoonayey. Mahadcelin dhab ah, oo uusan afka ka sheegeyn, ayuu uurka kaga mahadcelinayaa Aasiya, isagoo leh “ku mahadsanid inaad iga dooratay kumannaan gayaankaa ah, iiguna dulqaadatay waayihii aysan niyaddeydu jaceylba xaal u heyn”.

Waxaa uu Axmed Aasiyo kaga duwanyahay, ma ahan dhibbane jaceyl, oo in badan qofta horfadhisa daraaddeed u soo ooyay, mana ahan mid arkay jaceyl uu kaligiis ku yahay.

Shan sano iyo siddeed bilood ayaa ka soo wareegtay, maalintii ay indhahoodu is qabteen Axmed iyo Aasiya. Maalin isniin duhur caddceeddu kulushahay, ayey is ku arkeen, xaafadda Cali Kamiin, ee dagmada Wardhiigley. Aasiyo waxay ku labbisaneed dharka dugsiga sare, waxa ayna dhiganaysay fasalka 11aad dugsiga Maxamuud Xarbi. Waxaa ay ku sii jeedday xaafaddeeda oo ku taalla agagaarka “Furayaasha” ee is la dagmada Wardhiigley.

Waa inan muuqaal ahaan quruxsan, joog dheer iyo jir dhisan, oo ishu qabaneyso leh. Waxaa hablaha ilqabadka leh mar kasta ay wehel u yihiin fowdo iyo daandaansi wiilasha aynigooda ah kaga yimaada. Waase gabar kasta iyo dulqaad keede, Aasiya, waxa ay soo hormartay Axmed iyo saaxiibkii Sayidcumar, oo geed tallaal waddada ay Aasiyo ku socoto ku agyaalla ka hargalaya cadceedda kulul ee duldhabanaysa. Ma ahan meel ay rabaan, in ay ku sii nagaadaan, waxaase xilligaa la is ka wareysanayaa safarka Axmed, oo jaamacad waddanka Hindiya ugu socda iyo diyaargarowgiisa.

Markii ay wiilashii gees mareyso Aasiya, ayaa Sayidcumar indhihiisu qabteen xuurulciinta garraaryaha jabineysa, ee sida deggannaanta leh waddada ugu taxaasheysa. Waxa ay qabtaa kalsooni nafeed, oo badan. Waxa ay is bideysaa awooddii gabarnimo. Waxaa u dheer edeb iyo ixtiraam badan, oo ay qof kasta ku la dhaqanto, ku ma sii jiraan wiilasha ay is leedahay waad is mudan kartaan.

Hooyadii barbaarisaa abaal lehe, waxaa sidii dhallinyaro lagu yaqiinnay afqaaday Sayidcumar inantii isagoo ku yiri;

“waaw! Waxaas baa qurux ah!” Aasiya ayaa ugu jawaabtay waa sidii ixtiraamkeeda lagu yaqiinaye;

“walaal mahadsanid”. Sayidcumar intii ku ma hakane, waxaa uu u raaciyay hadalkii hore mid ka yara adag, oo ay dhibsan karto inantu isagoo ku yiri;

“Yarta waad cuntameysaa, dhexdaada ka la xiran baa i qaadday! Armaan halka aad usoto kuu raacaa?” intaa markii uu yiri baa waxaa hadlay Axmed isagoo saaxiibkii ku leh;

“Saaxiibow hadalkaada asluubee, inantu waa walaasheen xumaanna ma mudnee”. Waana hadalka Aasiyo meel aysan filaneyn kaga dhacay. Iyadoo si aqyaarnimo ah ugu mahadcelisay wiilkii ixtiraam ka u muujiyay. Waxa ayse hoos ka tiri;

“Allallehe kani waa jiraa”

Waxaa is la xilligii soo xirmay, is wareysigii labada wiil;

“macsalaamo saaxiib intaa joogtana waan is arkeynaa” iyo

“nabadey saaxiib” ayaa lagu soo ka la dhaqaaqay.

Axmed waxaa uu dhaqaaqay dhankii ay u dhaaftay Aasiya, oo xaafaddiisa uu hartagi lahaa ka xigtay. Is ma garanayaaane illeyn Aasiya waa ay is ka agdhowyihiin deegaan ahaan. Waa nin, oo ka saan dheere jidka ayuu kaga dabatagey, dan iyo heellase ka ma laheyn quruxda hortiisa laafyooneysa. Markii uu sii garab dhaafayey gabadhii ayuu maqlay cod dabacsan oo kii haddaaye loogu mahadcelinayay ah, oo leh;

“waan ku salaamay abboowe” inta uu jalleecay ayuu si ixtiraam leh ugu jawaabceliyay;

“Waan kaa qaaday abbaayo”

“waan ku mahacelinayaa sidii aad ii qiimeysay abboowe, oo hadalkii la igu af dhaafay aad kaga damqatay” ayey tiri.

“adigaa mudan abbaayo, gabdhaha Soomaaliyeed agteyda ixtiraam bey ku leeyihiin” ayuu isna ugu jawaabay. Waase la isa sii wareystay, oo la isbartay, in ay daris aan wali is baran yihiin bey is ku sheegeen.

Axmed waa wiil muuqaal ahaan qurxan, intii nin ragi ah qurxan yahay. Waa wiil joogdheer, hilib aan tiro badneyn leh, midab ahaan maarriin ah, ilka cadcad iyo afka ka la qaad wanagsan leh, timo aan adkayn, oo markii la shanleeyo si fiican madaxiisa ugu fariisanaya ayuu leeyahay. Hablo waa intii ay rag ku dooqan lahaayeen. Intaasuba ha jirtee, waxaase cajiib ah erayada muhiimka ah, ee afkiisa ka soo baxaya, xigmad ay garasho dheeri ka dambeyso, ayuu ku la sheekeysanayaa gabadha. Aad bey u dhadhansaneysaa hadalkiisa. Waxaa sii cajabgalinaya akhyaarnimada wiilka iyo sida uu nafteeda u ixtiraamayo. Aadbey u la dhacsantahay, in ay la sii socoto, balse, maasfada ayaa soo gaabatay, markii la soo gaaray jiirada gurigooda looga leexan lahaa, waxaase la ka la qortay taleefannadii, in la isa soo wacana lagu heshii.

Fisha qaybta xigta ee sheekada.

W/Q: Xasan Yuusuf “Leego”


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply