JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Guriga Cad Ma Jinbaa Degan! Qiso Cajiib Ah Oo Ku Saabsan Aqalka Cad Ee Mareykanka..

Published: September 20, 2016, 1:12 pm

Guriga cad ee Maraykanka waxa la dhisay intii u dhaxaysay  1792 -1800. Waxaana uu ku fadhiyaa dhul balaciisu dhan yahay 73 kun M2,  wuxu ka kooban yahay 6 dabaq, waana 132 qol, 35 xamaam, 412 albaab, 5 madbakh.

Arimaha yaabka leh ee gurigan waxa ka mid  Gurigan bil kasta waxa u daawasho taga dad gaadhaya 100 kun oo qof . Dabaqa ugu hooseyaa waa goob ganacsi oo waxyaabo kala duwan lagu iibiyo iyo weliba dhakhtaro ilkaha ah oo aad ka helayso.

Waxase intaasiba ka duwan oo ah sheeko caan ah in gurigan uu degen yahay Jin, waxaa arinkani soo baxay  markii ra’iisalwasaarahii Ingriiska ee  dagaalkii 2aad Sir.

Winston Churchill uu booqasho ku tegay Maraykanka, ka dibna guriga cad la dejiyay qolkii uu geli jiray madaxweyinhii hore  ee Maraykanka Abrahm Lincolin , laakiin uu qolkaasi ka soo cararay ra’iisal wasaaruhu isagoo sheegay inuu ku dhex arkay muuqaalkii Abarahm lincolin.

Waxay ahayd sheeko yaab leh, laakiin arinkaasi waa mid laga aamisna yahay inuu jiro humaagga Abraham Lincoln oo soo baxa mararka qaarkood, waana jin ku nool gurigaasi oo isku shabaha Lincoln.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.