JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Gabdhoow oohintiinu orgiga ka weyn! Qormo Gaaban oo ka Turjumeyso Kalgaceylka Ragga Iyo Dumarka Soomaaliyeed.

Published: September 1, 2016, 2:00 pm

Soomaalidu waa dad aad wax isu tara oo is xiriiriya laakiin dhinaca dareenka iyo muujintiisaba way ku liitaan, taas oo qarinaysa wixii maaddiga ahaa ee la isu taray. Waxaa la moodaa wax ceeb ah oo aan wiil iyo gabar midna ku habboonayn. Qofka lagu arkana wuxuu u muuqanayaa qof jilicsan.

Hadalka qallafsan, naanaysaha fooshaxun, hadalka la isku qalloociyo waa nooc raganimo iyo ad-adayg loo baahanyahay ah. Labada is qaba wa inay isugu yeeraan heedhe iwm. Markii midkood kan kale ka hadlayana ay is dhahaan kii iyo tii; waayo inay magacyadooda isugu yeeraan baa nuqsaan noqonaysa.

Wiilka ama gabadhu inay cabbiraan ama muujiyaan jacaylka ay isu qabaan waa khatar weyn, waliba gabadhaa sii daran. Haddii uu ka dhinto inay oydo ama laga arko murugo ma sahlana. Waxay ka sheekeeyaan gabar saygii ka dhintay oo dhaqanku u diiday inay dareenkeeda muujiso. Maalintii dambe ayaa orgi yar ka dhintay. Gabadhii si ay gacalkeedii ugu oydo ayay orgiga ugu gabbatay oo la aamusin waayey!. Ka dib waxaa la yiri: oohintu orgiga ka weyn!.

Si kastaba ha ahaatee waa in rag iyo dumarba loo hawlgalo sidii dhaqankaan qallafsan looga guuri lahaa oo jiilalka dambe ay uga badbaadi lahaayeen. Tan kale inta xilligaas laga gaarayo waa in rag iyo dumarba ay si hoose isugu sheegaan inay is jecelyihiin, ayna hoos hoos isugu ooyaan kolkii ay kala dhintaan!!!.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply