JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Gabar Uu Dhalay Madaxweynaha Mareykanka Donald Thrump Oo Dhacdo Ka Nixisay Kula Kulantay Diyaarad Aay Saarneyd..

Published: December 29, 2016, 2:21 pm

Gabadha uu dhalay Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Trump Laguna magacaabo Ivanka Trump ayaa arrin adag kala kulantay dayuurad ay la socotay gudaheeda, taasi oo ay lahayd shirkadda dayuuradha ee JetBlue.

Nin ka mid ahaa rakaabka saaran ayaa ka qayliyay intuu ku soo jeestay gabadha oo ay la socdeen ninkeeda iyo saddex caruur ah oo ay dhashay kuna yidhi isagoo dhaleecaynaya aabaheed  “ aabaha Maraykanka ayuu ceebaynaya, wuxu burburinayaa dalka , waxaana uu abuuraya kala taga dadka Maraykan”. Laakiin iyadu way iska aamunsnayd  eray keliya oo jawaab ahna umay celin.

Ninkaasi oo lagu magacaabo Goldstein oo ah garyaqaan ayaa sii waday hadalka isagoo kor u qaylinaya oo yidhi “ Adigoo uu ku dhalay Maalqabeen side ayaad dayuuradan dadka ka dhaxaysa (caamka) u raacaysaa? waxay ahayd inaad dayuuradda aabahaa raacdo”.

Dayuurada ayaa la fadhiisiyay Los-Angelis halkaasi oo gabadha iyo qoyskeeda markiiba laga dejiyay lana saaray gaadhi loo sii diyaariyay oo gaadhsiiyay dayuurad kale oo ahayd  nooca Suv , oo ay  ku tegeen gobolka Huwai


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply