JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Gabadheena Soomaaliyeed markii ninku ka dhinto waa sidee dareenkeenu Ayaguse Sidee Ayey Dareemaan?

Published: September 1, 2016, 4:00 pm

Muslimku guud ahaan wuu la xanuunsadaa geerida muslimka ku dhacda gaar ahaan waalidku wuu la xanuunsadaa geerida gabadhiisa haleesha laakiin waxaan ka xanuun yarayn geerida ku timaada saygeedii ay jeclayd oo u ahaa ilqabowsiga ee ay nolosheeda oo dhan isaga ku salaysay. Xanuunku intaa wuu kasii badanyahay haddii geeridu kadis ahayd iyo haddii gabadha ninkeedu nin wanaagsan ahaa.

Waalidku wuxuu la murgayaa murugta gabadhiisa haysata iyo saamaynta geeridaani ku yeelan karto gabadhiisa caafimaadkeeda, moralkeeda iyo mustaqbalkeedaba.

Waxaa iyana naxdinta iyo xanuunka geeridiisa waalidka kusii xanuujinaya markuu ilmo yar yar ka tago. Haddii aanu xoolo iyo qoys ku filan uga tagina kaba sii daran.

Innagu (Soomaali) xagga caadiafada iyo naxariista kuma fiicnin, inta badana dareenka qofka gaar ahaan marka uu marayo xaalado gaar ah ma tixgalino. Qofkii naxariis iyo tixgalinba sameeyana ma cabbiro dareenkiisa, mana muujiyo ee waxaynu ku kaaftoonaa dhinaca maaddiga ah, sida: gabadha agoon bay haysataaye wax siiya, garar ciidan ah ha loo diro, cidda hala soo dagto, ilmaha qaar ha loo hayo iwm laakiin dhinaca samirsiiinta, niyad dhisida, muujinta dareenka iyo dhiirrigalinta waa inaga naaqus.

Qormadaan waxaa saaka igu dhaqaajiyey qoraal uu Dr. Maxamed Cuqlaa ka qoray gabadhiisa ninkeedii oo shil gaari ku dhintay. Waxaa dareenkayga kiciyay sida dhaqankiisu keena uga wanaagsan yahay marka arrintaan laga hadlayo.

Waxaa kale oo fakarku ila sii galay waa inaga marka gabadheena laga dhinto maaddi ahaan la gurmana ninka ka dhintay awgiise ee maxaynu marka hore ula gurman weyney si ay nin u hesho illaa marka horeba way u baahnayde?.

Gabagabadii aynu xoojino naxariisteena iyo dareenkeena gaar ahaan marka qofku xaalad gaar ah marayo, aynu isku rabaynu in aynu muujino caadifadeena, aynu gabdheheena baahidooda tixgalino gaar ahaan inta ay gabadha tahay, aynu guurkeeda uga fakarno sida aynu guurka wiilka uga fakarno iyo ka badan, waliba aynu ka dulqaadno culayska dhaqaale ee guurka lagu lammaaniyey, isla markaasna aynu ka qaybqaadano dhismaha qoyska gabadheena.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply