fb

Gabadh Ay Addoonsadeen Kooxda ISIS Oo Heshay Abaal Marin Dhan $67,000…

Published: October 13, 2016, 8:59 pm

Gabadh Yazidi ah, oo ay qabsadeen IS kadibna xoogeen ayaa ku guulaysatay abaalmarin sare ee xuquuqda bini’aadanka.     Nadia Murad ayaa ka heshay abaalmarinta Vaclav Havel ee xuquuqda bini’aadanka Golaha Yurub.

Miss Murad ayaa noqotay hogaamiye ololaha xoraynta dadka Yazidi-ga, iyo joojinta dadka sharci darada lagu dhoofiyo kadib markii ay ka soo baxsatay kooxda Daacish bishii November 2014.

Nadia oo 23 jir ah ayaa la qabsaday oo laga dhigay adoon saddex bilood iyadoo ka mid ahayd 5,000 oo dumar ahiyo gabdho la qabsaday.

Bilihii la haystay, dhowr jeer ayaa la iibiyay, oo ay ku sameeyeen xadgudub jidhkeeda kooxda IS.

Miss Murad, oo ay Qaramada Midoobay u magacawday safiir bishii September, ayaa ku baaqday in la sameeyo maxkamad caalami ah oo lagu qaado danbiyada ay sameeyaan kooxda IS, markay jeedinaysay khudbadii ay ku aqbashay abaalmarinta ee Strasbourg.

Waxay ku sheegtay weerar IS ay ku qaaday Yazidi “xasuuq”, waxayna sheegtay “Dunida xorta ah inaysan waxba ka qabanayn.”

Abaalmarinta, oo la siiyo bulshada rayidka ee qabta shaqooyinka fiican oo difaaca xaquuqda bini’aadanka, ayaa wadata 60,000 euros (£54,250;$67,000).

Hadyadda lacagta adduunka ee IMF ayaa ka digtay khatar badan oo ku imaanaysa bangiyada sanadaha soo socda, inkastoo ay sheegtay in khataraha dhow ay dhamaadeen.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply