JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Faransiiska Oo Shirkaddaha Facebook-ga Iyo Bogaga Kale Internet -ka Ka Codsaday Inay Kala Shaqeeyaan La Dagaalanka Argagixisada

Published: August 27, 2016, 1:04 pm

Wasiirka Arrimaha Gudaha dalkaasi Faransiiska ayaa kulan uu la yeeshay maamuleyaasha dalkaasi u jooga shirkaddaha waaweyn ee Internet ka ,waxa uu ka codsaday inay doonayaan inay shirkadahaasi kala shaqeeyaan wadankaasi Faransiiska iyo dawladaba sidii loola dagaalami lahaa kooxaha Argagixisada ah ee weerarada ka fuliya dalkaasi.

Shirkaddaha uu kulanka la yeeshay wasiirkaasi waxa kamid ah shirkaddaha Google,Facebook iyo Twitter, kuwaas oo kulankaasi la yeeshay masuulkaasi muddo saacado ah,iyaga oo ka wada hadlay sida ugu haboon ee looga wada shaqayn karo la dagaalanka kooxahaasi iyo ka hortaga weeraro dalkaasi mar kale laga fuliyo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha dalkaasi Faransiisa Bernard Kaznov ayaa sheegay inay muddo ay wadahadlayeen xafiiskiisa ay shirkadahaasi isla meel dhigeen heshiis lagula socon karo dhaq dhaqaaqyada ay kooxahaasi ka wadaan Akoonada ay shirkaddahaasi ku lee yihiin,sidoo kalena waxa uu sheegay in ay isku dayayaan inay joojiyaan bogaga ay ku wada xidhiidhaan ee is gaadhsiinta u ah kooxahaasi, si aanay ugu fududaan inay weeraro kale geystaan.

Wasiirka oo u waramaayey wargeyska Le Monde ee dalkaasi ka soo baxa oo uu warkan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in ay isla qaateen shirkaddahaasi sidoo kale in ay joojin doonaan qoraal walba oo keenaaya in ay dhacaan fad qalalooyin iyo dhibaato dadka iyo dalkaba soo gaadhaaya.

Sidoo kalena masuuliyiin ka tirsan shirkadda Google oo u waramaayey telefishanka NBC ayaa sheegay in ay isla meel dhigeen wasiirka sidii loola dagaalami lahaa kooxahaasi dhibka ka geystay wadankaasi,waxaanu masuulkaasi intaas ku daray inay shirkad ahaan ogolaadeen inay ka hortegi doonaan muqaal walba oo muujinaaya falalkaasi foosha xun ay geysanayaan kooxahaasi,kana saari doonaan marka oo lasoo geliyo Channel kooda Youtub ka.

Dawlada Faransiiska ayaa bilawday inay ka Kaantaroosho bogaga baraha bulshadu ku wada xidhiidho ,kuwaas oo ay shegeen inay qayb weyn ka qaataan isku xidhka kooxaha weerarada ka fuliya wadankaasi Faransiiska.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply