JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Fadli Intee La’eg Ayay Leedahay Salaada Lagu Tukado Jameecada, Qiso Gaaban..

Published: August 26, 2016, 6:57 pm

Waxaa jiray Sheekh la Oran jiray Cubeydallaah Ibnu Cumar Alqawaariiri oo ka mid ahaa Shuyuukhdii Imaamul Bukhaari Cilmiga ka soo bartay , Sheekha wuxuu ahaa mid ku Dadaala Kheerka iyo Salaadaha inuu Safka hore ku Tukado,

Hadaba Sheekha Habeen ayaa waxaa u yimaadeen Marti isagoo Habeenkaasi dhan ku Mashquulay u Adeega Martidiisa, balse Nasiib daro Salaadii Cishaha ayuu Hilmaamay, wuxuuna soo Xusuustay markii Salaada laga baxay, ka dib wuxuu u baxay Masaajidka si uu Jameecada ugu soo Tukado, isagoo soo maray meelo badan oo Magaalada Kuufa ka tirsan, balse muusan soo helin wuxuuna ugu Danbeyn isaga Tukaday Gurigiisa ,

Haddana Sheekha Habeenkii markuu Seexdey wuxuu ku Riyooday isaga iyo Dad kale oo Tartamaayo weliba dhamaan Dadkii Sheekha ay ka Hormareen isagoo weliba noqday Shaqsiga ugu Dambeeya Tartanka isagoo si Xoog leh u Garaacay Faraskiisa si uu Dadkaasi Ugaaro ,

Balse mid ka mid ah Dadkii Tartamaayey kaas oo in badan u Dhawaa ayaa Sheekha ku yiri:- (Sheekhoow waxba ha is Daalin, hana isku Dayin inaad na soo gaartid, waayo Xalay Salaadda Cishaha Jameecada kuma aadan Tukan).

FIIRO GAAR AH.

Ogoow Salaadda aad Jameecada ku Tukatid wey ka Ajir badan tahay, tan aad keligaa tukatid. maxaa yeelay Salaadda Jameecada aad ku tukatid waxaad heleysaa Toban Ajir, tan keligaada ahna waa Hal Ajir.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply