JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Faal 35 Sano Ka Hor Sheegay In Dhimashada Fidel Castro Ay Xigi Doonto, Dhaqaalaha Maraykanka Oo Burbura..

Published: December 14, 2016, 6:35 pm

Faal muddo hadda laga joogo 35 sano, oo sheegayey in dhimashada hoggaamiyihii dalka Cuba Fidel Castro ay xigi doonto dhaqaale burbur aad u weyn oo ku habsada Maraykanka. Haddaba saadaashaas muddada dheeri ka soo wareegtay ayaa mar kale hadal haynteedu ku soo rogaal celisay dalka Maraykaka, gaarahaan markii dhimashada Fidel Castro ay ku soo beegantay guushii doorashoee Donald Trump uu ka gaadhay tartankii murashaxnimada madaxweynaha ee dhowaan dalkaas ka dhacay.

Waxaa faalkaas muddooyinkan dambe aad u hadal hayey, naxdin iyo walbahaar badanna uu ku kordhiyey dadka Maraykan ee marka horeba ka warwarsanaa guusha Donald Trump iyo raadka taban ee muddo xileedkiisu ay kaga tegi karto dalka Maraykanka, weliba warwarkaasu sii xoogaystay intii ka dambaysay markii madaxweynaha la doortay ay ka soo yeedheen hadallo badan oo muran dhaliyey, madow badanna ku abuuray siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka iyo xidhiidhadii uu tobannaanka sano la’ lahaa dalalka dunida.

Sida lagu caddeeyey war uu Kobciye.com turjumay oo lagu baahiyey wargeyska The Sun ee ka soo baxa carriga Ingiriiska, faaliyaha warkan warwarka leh u sheegay Maraykanku waa John D. Johnston oo horena faalkiisu u sheegay saddex arrimood oo dunida ka dhacay, kuwaas oo kala ahaa; Burburintii deyrkii Berlin ee jarmalka bari iyo Galbeed u qaybin jiray, burburkii Quwaddii Midowga Soofiyati iyo koru kaca awoodda uu dunida ku leeyahay Vladimir Putin, madaxweynaha dalka Ruushka.

Johnston sannadkii1981kii, ayaa uu faalkiisu sheegay in dhimashada Fidel Castro ay bilow u noqon doonto bilowga burburka dalka Maraykanka, ee dhinaca dhaqaalaha, oo aanu sii ahaan doonin quwad dhaqaale oo caalamiya. Faalkaas waxa uu Johnston ku yidhi, “Marka aad aragtaan gidaarkii Baarliin oo la burburiyey iyo Midowgii Soofiyati oo burburay, kadibna uu dhinto Fidel Castro, markaas ayaa uu burburi doonaa nidaamka dhaqaale ee dalka Maraykanka.

Johnston weli waa uu nool yahay, waxa aanu madax ka yahay degel internet ka ah oo uu kaga sheekeeyo, aragtida ‘Mu’aamaradda la yidhaahdo, isla markaana ku faafiyo hadallo uu diini ku sheego oo uu ku saadaalinayo dhammaadkii adduunku in uu dhow yahay”..


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply