JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Dhigkarka: Calaamaaha Lagu Garto, Sababa Loo Tiriyo, Khatartiisa Iyo Hababka Loo La’ Tacaalo (Q.1aad)

Published: October 26, 2016, 2:22 pm

Dhiigkarku waa xaddiga cadaadiska ku dhacaya derbiyada xididdada halbawlayaasha ah ee dhiigga, marka uu dhiiggu dhex qulqulayo. Qofku dhiigkar ayaa uu leeyahay macnaheedu waa in derbiyada halbawlayaasha dhiigga uu ku dhacayo cadaadis badan oo soo noqnoqonaya, kaas oo ka dhalanaya caabbiska xawliga dhiigga maraya. Waxa aanu leeyahay cabbir lagu qiyaaso cadaadiskaas halbawlaha ku dhacaya, taas oo qofka in uu dhiigkar hayo loo aqoonsado marka uu cadaadiska wareegga dhiiggu uu gaadho am aka bato 140 ah dhiigga sare iyo 90 ah dhiigga hoose, cabbirkaas oo loo yaqaanno mmhg.

Caadi ahaan cadaadiska dhiigga marka laga hadlayo waxaa loo qaybiyaa shan nooc, oo ay ka dhalanayso shan xaaladood oo loola dhaqmayo ruuxa lagu arko:

1. Wareegga dhiigga oo dhacsan:

Cadaadiska wareegga dhiiggu haddii uu hoos u gaadho 90 dhiigga sare ah iyo 60 dhiigga hoose ah, ama meel ka sii hoosaysa, xaaladduna joogto noqoto waxaa loo aqoonsan yahay in qofkaasi yahay xaaladda afka caafimaadka loo yaqaanno Hypotension ama Low blood pressure oo ah wareegga dhiigga oo intii dabiiciga ahayd ka hoos maray. Xaaladdani dhibaatooyin aan ka khatar yarayn dhiigkarka ayaa ay leedahay. Bukaanka qabaana waxa uu u baahan yahay in uu dhakhtar la tashado, si talooyin ku habboon uu u qaato, haddii dawo uu u baahan yahayna loo ogaado.

2. Xaalad Caadi

Cabbirka cadaadiska dhiigga ee qofku haddii uu noqdo 90 illaa 119 dhiigga sare ah iyo 60-79 dhiigga hoose ah, waxa ay dhakhaatiirtu u aqoonsan yihiin in wareeggaasi uu sax yahay oo aanu qofkaasi wax dhib ah qabin, waana sababta aynu ugu doorannay magaca ah xaalad caadi ah.

3. Dhiigkar hortii

Haddii cabbirka cadaadiska uu samaynayo wareegga dhiiggu gaadho, ka sare oo ah 120 illaa 139 iyo ka hoose oo ah 80 illaa 89 waxa ay dhakhaatiirtu u aqoonsan yihiin in qofkaasi uu ku jiro xaalad dhiigkar hortii ah oo ina siinaysa farriin ah in uu dhiigkar ku soo food leeyahay ama khatar u yahay in dhiiggiisu si kedis ah mar keliya u boodo, sidaa awgeed waxaa waajib ah in qofkani uu dhakhtar u tago si dawada iyo talada ku habboon uu u helo.

Xaaladdani waa ta ugu xun marka laga eego dhinaca bukaanka, maadaama oo qofku u qaato in ay iska tahay xaalad caadiya, ama aanu dareeminba dhib ku kallifta in uu dhiiggiisa cabbiro. Taasna ay ka dhalato in mar keliya xaalku xumaado ama in uu is ogaado goor xaaladdiisu sii korodhay.

4. Heerka koowaad ee Dhiigkarka:

Xaaladdan oo afka caafimaadka loogu yaqaanno Stage 1 Hypertension waa marka uu cadaadiska wareegga dhiigga sare gaadho inta u dhaxaysa 140 illaa 159, dhiigga hoosana cabbirkiisu noqdo 90 illaa 99.

5. Heerka labaad ee dhiigkarka:

Heerka labaad ee dhiigkarka oo ah kan ugu dambeeya uguna khatarta badan, ama aynu odhan karno waa heer uu qofka dhulka dhigay oo ay qasab tahay in uu bukaan-jiif noqdo waa marka uu cabbirka dhiigga ee sare ka sarreeyo 160, kan hoosena uu ka sarreeyo 100.

Waxaa xusuusin mudan in xaalad kasta oo shantan ka mid ah, ama si guud marka la gaadhayo go’aanka ah in qofku uu dhiigkar leeyahay ama dhiiggiisu dhacsan yahay (Low BP) ay tahay in qofka xilliyo kala duwan oo maalmo kala duwan ah la cabbiro. Kadibna uu dhakhtarku go’aan ka gaadho shanta nooc ee dhiigga ka lagu tirinayo qofkaas.

Waxaa iyaduna muhiim ah in qof kasta oo labada waalid dhinac uun ka mid ah ku leh hidde dhiigkar uu si joogto ah u cabbiro dhiigiisa, iyo in sideedaba qof kastaa muddo marka uu joogaba mar xilliyo kala duwan dhiiggiisa cabbiro, haddii kale uu cabbiro marka uu isku arko calaamadaha dhiigkarka oo aynu ku baran doonno qaybaha soo socda ee qormadan uu Kobciye.Com ka soo ururiyey qoraallo ay sameeyeen saynisyahanno iyo haayado caafimaad oo ay ka mid tahay haayadda caafimaadka adduunka u qaabilsan qaramada Midoobey ee WHO.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply