fb

Dhageyso Arin Layaab Leh:-Haweeney Cunug Boorso ku Xaday oo La Qabtay

Published: October 22, 2016, 2:13 pm

Dhacdo Layaab leh ayaa laga soo sheegayaa Cusbitaal ku yaalla Dalka Kenya Gaar ahaan Magaalada Gaarisa Ee Gobolka Wuqooyi Bari.

Arinta ayaa aheyd Haweeneey shaqo ahaan utagtay Cusbitaalka markii loo ogolaadayna sameysay wax la yaab ku noqotay dadkii Maqlay.

HALKAAN RIIX SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Amal Faarax Macalin oo ah Kalkaalisada Falkaasi fashilisey ayaa waxay ka warantay sida ay wax udhaceen iyadoo sheegtay in Haweeneyda Xatooyada sameysay ay shaqada ka codsatay ayna ka aqbashay.

Haweeneyda Shaqada ku cusbeyd ayaa waxay Boorso ay wadatay ku riday Cunug yar oo la dhalay Saacado taasi oo keentay in la ogaaday oo ciidanka Amniga Xabsiga dhigeen Haweeneydii Xatooyada sameeysay sida Amal ay sheegtay.

Waa dhacdooyinka dhifka iyo Naadirka ah ee ka dhaca Africa in Cunug Boorso lagu Xado si aan loo arkin waxaana kiiskaasi weli uu ka furan yahay Saldhiga Booliska Gaarisa oo Haweeneydii cunuga lagu qabtay ay ku xiran tahay.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply