fb

Dhacdo Xanuun Badan Aabo U Dhashay Masar Oo Webiga Niile Ku Dilay Laba Wiil Oo Uu Dhalay Isagiina Is Del Delay + Sababta

Published: September 14, 2016, 12:00 am

Qisadan ayaa noqotay qisada ugu hadal haynta badan caalamka iyo wadamada Carabta, kadib markii aabo dhalinyaro ah uu dilay laba wiil oo uu dhalay kadibna isna is dilay, waxaanay qisadani ka dhacday dalkaasi Masar.

Dhacdadan waxa cadeeyey Badhasaabka gobolka Giza oo ka tirsan dalkaasi Masar,waxaanu sheegay  in aabahani oo da’diisu ahayd 28 sanno jir in uu lasoo hadlay xaaskiisa, isaga oo u sheegay inay dhinteen labadeedii wiil oo isaga la socday.

Kadib markii uu u sheegay xaaskiisa in labadani wiil dhinteen ayuu isna tegey goob uu ka shaqayn jiray oo ku taala dhulka Ahraamta, halkaas oo uu isku del delay.

Wargeyska Sharqul Awsad oo dhacdadan qoray uuna kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in hooyada oo ka hadashay dhacdadan ay sheegtay in aanay sii weydiin wax wada hadal ah oo dhex maray aabahan iyo labadiisa ciyaala, madaama oo ay naxday markii dhacdadan loo sheegay .

Aabahan ayaa labadiisan caruura ka tuuran biriish aad u dheer oo ku yaala webiga Nile dushiisa,kaas  oo ah biriishka labaad ama kowaad ee ugu dheer dalkaasi Masar Biriishyada ku yaala.

Saacaddo ka dib ayuu isna isku dilay meel dhinaca waqooyi ka xigta dhismeyaasha qadiimiga ah ee Ahraamta loo yaqaano,halkaas oo saacad ka dib maydkiisa laga helay.

Badhasaabka gobolkaasi Giza ayaa sheegay in ay baadhayaan dhacdadan iyo waxyaalaha sababay in aabahani dilo caruurtaasi isna uu halkaasi isku dilo, waxaanay ciidamadu u yeedheen caruurtan hooyadoo iyo Abtigood, iyaga oo su’aalo weydiinaaya.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.