fb

Dhacdo La Yaab Leh Nin Somali Ah Oo Qaba Gabar Ajnabi Ah Oo Diinta Isaga Baxay Balse Gabadhi Ay Tahay Muslimad Wanaagsan.

Published: September 2, 2016, 12:00 am

Waxaa mahad iska leh rabiga na abuuray naguna maneystay islaanimada naxariis iyo nabad galyo ha ahaato nabigeena moxamed scw dushiisa.

Dhacdooyinka ka dhaca dunida maalinba waji iyo nooc kaa yaabiya ayay u dhacaan waxaan maanta halkaan idin kugu soo gudbinayaa warbixin ku saabsan dhacdo yaab leh oo aan aniga soo tabinaya aan rumeysan waayay .

Waxa ay dhacdadan ka dhacday wadan ka mid ah wadamada yurub kaas oo wiil somali ah uu ku guursaday gabar u dhalatay colombia isaga oo muslimiyay

Gabadhaan ayaa diinta aad u jeclkaatay baratayne inta badan arimaha aas aasiga ah ee diinta islaamka

Gabadhaan ayaa bilowday nolol cusub oo aad ay ugu faraxsaneyd bilowgeda balse wiilki qabay ee somaliga ah ayaa mar qura noqday mid isaga baxa diinta isaga oo bilaabay cabida khamrada iyo la tumashada habla kale.

Gabadhaan ayaa wax walbo ugu sabartay eyada oo aan marnaba ka dacwoon ilaa laga gaaray bishi ramadaan ee aynu soo dhaafnay.

Gabadha ayaa u dulqaadan weysay wajiga cusub ee ninkeeda ee ah cabida khamriga caayda diinta islaamka iyo garaacid uu mar waliba u geysto gabadhaan ayaa u carartay habeen masjid ku yaala xaafadeeda una sheegtay imaamka inay heystaan dhibaatooyin la yaab leh
Oo ninkeedi muslimka ahaa uu noqday mid cabsan dila eyada diintane caaya.

Imaamka masjidka ayaa la fajacay arintaan ma aha kaliya imaamka masjidka ee dadki habeenkaas ku sugnaa masjidka ayaa la fajacay sida gabadhi sanado ka hor gaalada aheyd ay maanta u tahay qof muslim wanaagsan iyo sida wiilki muslinimada ku dhashay oo u noqday qof ku xun diinta.

Waxaase lala sii yaabay marki ay jamaacadi iyo culimadi isku dayeen in ay wax ka qabtaan arinta oo ay soo fara geliyaan ayaa gabadhi ku tiraahday bal u kaadiya waa intaas oo uu hagaagsanaadee eyada oo wali ilaa iminka ay la nooshahay ninki balse uusan waxba is badalin.

Gabadhaan ayaa tiri waa intaas oo uu is badalo oo sidisi hore ku laabto bal aan sabarno oo aan ka war sugno sida uu noqdo eyada oo mar walba waanisa kalana kulanta dhibaatoooyin sida inuu garaaco ama uu u geysto aflagaado eyada iyo diinta islaamka.

Qaar ka tirsan jamaacada ayaa ii sheegen shalayto mar aan wax ka weydiiyay in wali aysan wax war ah aysan ka helin dhanka gabadha oo ay ka war sugayaan oo ay garab istaagayaan walaashood muslimada ah.

Is kasataba ha ahaate dhacdadaan ayaa ah mid la yaab leh eyada oo lagu eedeeyo somalida dad is badal badan oo is sahlan ku ilowa dhaqankooda diintooda marka ay qurbaha yimaadaan.
Dhacdooyinka noocaan ah waa kuwo ka jira wadamada ay somalidu ku guursadaan dadka ajnabiga ah eyada oo somalidu ay eedaan hablaha somalida ee gaalada guursada diintana ka baxa.

Balse iminka ay jiraan rag fara badan oo u go ay daroogooyin iyo khamro eyaga oo qaarkood noqda abusers taa oo keenta inay galaan xabsiyo.

Waana dhibaato somalida u gaar ah dhibaatooyinka dhaqan rogista oo ay somalidu tahay dadka ugu fudud in dhaqankooda la dooriyo.

WD maxamed muxiyidiin Baadsha


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply