JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

DHACDO CAJIIB AH + SAWIRO Nin 75 jir Ah Oo Dhalay Carruur 11 Ah Ayaa Boorkan Soo Dhagsaday…

Published: December 12, 2016, 1:39 pm

Nin u dhashay wadankaasi Tanzania ayaa hab cusub u raadinaaya  gabadhii uu guursan lahaa, waxaanu raadinayaa gabadh wanaagsan oo uu guursado, taas oo hooyo u noqon doona caruur aad u tiro badan oo hooyadood dhimatay.

Ninkan ayaa boodh weyn oo uu kusoo xardhay gabadhaasi shuruudaha uu ku doonaayo kusoo dhejiyey xaafada uu degan yahay iyo meelo kale oo magaalada kamid ah .

Ninkan ayaa lagu magcaabaa Cusmani Mchambua , waxaanu da’ahaan gaadhayaa 75 sanno,  isaga oo baadi goob ugu jira  sidii uu u heli lahaa Xaas anfacda oo wanaagsan.

Xaaskan ayuu sheegay inuu doonaayo inay sidoo kale anfacdo caruurtiisa iyo shaqadiisaba,  kadib markii ay dhimatay xaaskiisii hore.

Ninkani waxa uu boodhadhkaasi uu gabadha ku naadinaayo kusoo qoray ereyo uu ku sheegaayo astaamaha gabadha uu doonaayo inuu helo, isaga oo shegay inuu doonaayo gabadh hooyo u noqota 11 caruur ah  , sidoo kalena kala shaqayn karta beer weyn oo uu lee yahay ninkaasi.

Waxa kale oo uu ninkani sheegay in uu qaban doono codsiga dumarka soo codsada Guurkiisa , isaga oo sidoo kalena ka qaadi doona imtixaan, kadibna cidii kusoo baxdaa noqon doonto xaaskiisa.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply