fb

Dhacdo Cajiib Ah, Ku Cibro Qaado, Masaajid Badbaadiyay Bulshada Yuhuudda!

Published: September 30, 2016, 8:05 pm

Waxa kale oo dhacdooyinka uu suxufigu barnaamijkiisa ku baahiyay  ka mid ah qisadan : Markii Hitler iyo ciidamadiisu ay soo galeen Paris waxa la iska garanayay in dadka ugu horeeyay ee ay ku dhiiranayaan dilkooda ay dadka Yuhuudda ah,

sidaas darted masaajid weyn oo ku yaalla magaalada Paris, ayaa bilaabay qorshe uu ku ilaalinayo dadka Yuhuudda ah si aanu ugu waxyeelayn Hitler  bulshada Yuhuudda dil ama xadhig.

Masaajidka ayaa bulshada Yuhuudda ah siiyey waraaqo rasmi ah oo caddaynaya in ay Muslimiin yihiin, iyadoo Hitler iyo ciidankiisu aanay muslimiinta wax dhibaato ah u geysan jirin.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.