fb

Dhacdo Cajiib Ah:- Dad Baabuur Saarnaa Oo Ka Yaabay Habka Darawalka Geeridu Usoo Wajahday..

Published: December 19, 2016, 2:30 pm

Dalka Suuriya gaadhi Bas xamuul ah  oo ay dad rakaab ahi saarayeen ayaa isagoo  safar ku  jira, derawalkii   joojiyay goob cidlo  ah.

Rakaabka uu u filayay in dadka degaan ama kuwo cusub soo koraan ayaa markay arki waayeen arrinkaasi waydiiyay Wadaha sababta  uu u joojiyay Gaadhiga?

Wadaha ayaa ugu jawaabay  “Waxaan u joojiyay ninkan  odayga ah ee gacanta inoo taagay si aynu u qaadano”.    laakiin hadda-na  dadkii Rakaabka markii ay arki waayeen ninka odayga ah ee uu sheegaayo ayay waydiiyeen waa odaygee?

Wadaha aya ugu jawaabay sawkan soo dhow ee gaadhiga soo koraya.  Wax yar kadib wadaha ayaa dhaq-dhaqaaqii joojiiyay,  oo naftu kaga baxday kursigiisa goobtaasina  cidlo  ayay ahayd halkii uu wakhtigu kaga dhamaaday.

Qisadan waxa weriyay Sh.Danadaawi Suuriya (Kitaabka la-Taxsan Bogga 230).


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply