JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Dawo Adoo Gurigaaga Joogo Kaa Caawineyso Inaad Ka Takhulusto Miisaanka Iyo Hergabka.

Published: December 15, 2016, 2:26 pm

Shabakadda wararka Ruushka ee Russia today oo soo xiganaysa majalad caafimaad ayaa dhowaan baahisay warbixin sheegaysa isku dar dawo ahaan loo cunayo oo gacan ka geysta miisaan dhimista, jidhkana kala dagaallama Kalastaroolka.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in ay jiraan cilmibaadhiso badan oo caafimaad oo ka warramaya faa’idooyinka tirada badan ee malabku uu u leeyahay caafimaadka aadamaha. Faytamiinnada tirada badan ee malabka ku jira iyo waxyaabaha dabiiciga ah ee uu ka samaysan yahay ayaa ay khubaradu sheegeen in ay keentay in malabku uu aad u xoojiyo hab-dhiska difaaca jidhka, oo uu xanuunada la dagaalamo, kana qaybqaato la dagaallanka buurnida, iyo weliba ka takhalusidda xaydha dhibatada keenta ee jidhka ku ururta.

– Waxaa ka mid ah malabka oo lagu daro qolafalka oo la tumay, waxa ay khubaadu caddeeyeen in malqacad qolofal ah iyo shan malqacadood oo malab ah oo la isku walaaqay , kadibna hal malqacad laga cuno subax kastaa ay wanaajiso hab-dhiska dheefshiidka, aada u caawiso ka takhalusidda xaydha dhibaatada leh ee jidhka ku ururta.

– Waxa kale oo ay khubaradu sheegeen in malqacad keliya oo isku-darkan ah oo lagu daray koob biyo diirran ahi kadibna ka cabbo quraacda ka hor rubuc saac uu leeyahay faa’idooyin caafimaad oo aad u badan.

Sida lagu sheegay warbixintan uu Kobciye.Com turjumay, tijaabooyin badan oo xeeldheerayaashu sameeyeen in ay ku ogaadeen in qofka caadaysta in uu muddo ugu yaraan laba bilood ah cuno isku darkan qolofalka iyo malabka ah, lagu arkay Kalastaroolka oo si muuqata hoos ugu dhacay, baadhitaanno lagu sameeyeyna caddeeyeen in xaaladda caafimaad ee halbawlayaasha iyo xididdada dhiiggu ay aad u fiicnaatay, lagana arkay dabac badan, taas oo ah rajo fiican oo ka hortag u noqon karta wadne xanuunka iyo dhiigfuranka maskaxda ama faaligga. Sida caadiga ah mar kasta oo da’da qofku korodho waxa uu lumiyaa dabacsanaanta muhiimka u ah xididdadan iyo halbawlayaasha dhiigga.

Xeeldheerayaashu waxa ay sheegeen in isku darka malabka iyo qolofalku iyo sidoo kale mar kasta oo malabka lagu daro wax kale oo dabiici ah, ay kor u qaaddo caafimaadka qofka aadna u yarayso kalastaroolka.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply