JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Cunista Kalluunka Oo La Ogaaday Inay Dawo Ka Tahay Niyad-xumida Iyo Cudurka Nafsiga Ah

Published: October 26, 2016, 3:28 pm

Lafogur iyo dib u eegis lagu sameeyey 26 cilmibaadhisood oo hore loogu sameeyey in ka badan 150 kun oo ruux ayaa lagu ogaaday in dadka kalluunka cuna uu cudurka nafsiga ah ee Qulubka (Depression) boqoliiiba 17 ka yaraado.

Iyada oo ay culimada arrintan u kuurgalayna sababaha u tirinayaan dufanka asiidhka ah ee kalluunka ku jira oo saamayn togan ku leh dhinacyo kala duwan oo shaqada maskaxda ka mid ah.

Haayadda MIND ee samofalka oo ka shaqaysa caafimaadka nafsiga ah, xarunteeduna tahay dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in cilmibaadhistani ay taageerayso cilmibaadhiso kale oo muujiyey in uu xidhiidh ka dhexeeyo nooca cunto ee qofku qaadanayo iyo deggenaanshiyihiisa nafsiga ah iyo weliba dabeecaddiisa shakhsiga ahba.

In kasta oo aanay daraasaddani si cad oo cilmiya u sheegin halka ay iskaga xidhnaan karaan cunista kalluunka iyo ka hortagga murugada iyo qulubku haddana xeeldheerayaal badan ayaa soo dhoweeyey kuna tilmaamay in ay tanina ka mid tahay uun faa’idooyinkii awalba la ogaa ee uu kalluunku u lahaa caafimaadka maskaxda.

Waxaana jira saynisyahanno iyagu si gaar ah u tilmaamay dufanka Omega3 ee kalluunku qaniga ku yahay oo ay sheegeen in ay si weyn u firfircoonayso labada maaddo Kiimikaad ee Dopamine iyo Serotonin oo la aaminsan yahay in ay kaalin ku leeyihiin qulubka iyo murugada.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply