fb

Culimadu Waxey Miisaameen Hadalka Waxeyna U Kala Saareyn Intaan Oo Qeybood…

Published: November 9, 2016, 2:23 pm

HADALKAAGA MIIZAAN.

Culumada marka ay Fasiraayeen Hadalka, waxey yiraahdeen Hadalku waa Afar qeyb:-

1- Mid Dhibaato ah oo Dhibkiisa iska Cad yahay.

2- Mid Faa’ido leh oo Faa’idadiisa ay Cadahay.

3- Mid Dhib iyo Dheefba leh.

4- Mid aan Dhib iyo Dheef midna aan laheyn.

– Hadalka aad ku Hadleyso haduu kuu keenayo Dhibaato in laga Aamuso ayaa Wanaagsan.

– Hadalka Faa’ido ah iyo Dhib labadaba leh waa la mid isagana (yacni haduuba Dhib ka imaanaayo Faa’idadiisa waxba tari meyso).

– Hadalka aan Dhibka iyo Dheeftaba kaaga imaaneynin wax aad ka heleyso oo Ajar iyo Kheyr ahna aysan jirin isagana iska Daa inaad isku Mashquliso maxaa yeelay Waqti unbaa kaaga Dhumaayo.

– Hadalka wuxuu ku Baaqi noqday kan aad Faa’idada ka heleysid oo keliya, Faaidadiisana aad Hubto kaas keliya ku Hadal waxa kale dhan iska Dhaaf .

Hadalkaaga inuu Miizaan lahaado ayaa la rabaa marka aad Hadleysid.

Nabiga CSW, wuxuu yiri:-

ألا أنبئكم بأمرين خفيفين لم يلق الله بمثلهما .
Ma idin sheegaa Labo Arrin oo Fudud oo dhib yar, ilaaheyna aan lagula Kulmenin iyaga oo kale, Labadaasna waa:-
الصمت والخلق
Aamuska iyo Dabeecada Wanaagsan.

(ALOOW IIMAAN SUGAN NA SII).
W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply