fb

Carruurta & Soomaalida:- Aaladaha Casriga Ahi Waxa Ay Ubadka Ku Keenaan Caafimaad Darro Nafsi Ah..

Published: September 5, 2016, 1:15 pm

Dhakhaatiir badan ayaa ka digay in caruurta aadka u da’da yar loo ogalaado isticmaalka aaladda tablets-ka loo yaqaano ee ay ka mid yihiin (ipad-ka iyo tablets-ka) iyaga oo xaqiijiyey inay ku keenaan ilmaha khalkhal dhinaca hadalka ah, ama in ilmuhu uu hare u hadal baran waayo, in uu bulshada ka dhex baxo uu noqdo hadhow mid dadka ka dhex faquuqan isla markaana uu noqdo ruux aan awood u lahayn inuu doodo.

arrimaha uu ka doodayana sababeeyo, isla markaana si qurux badan u cabbiro fikirkiisa iyo waxa uurka ugu jira, ku dhucuna uu ku yaraado.

sidoo kale waxa uu ilmuhu noqdaa dhag weyn aan inta badan ka war qabin waxa hareerihiisa ka dhacaya, isla markaana aan waxba iska waydiin waxyaabaha isbedelku ku imanayo ee uu arko,  waxa kale oo uu badanaa noqdaa qof is dhekhso ah u quusta.

ilmuhu waxa uu noqdaa sakhsiyad war ma’og ah ama damiin ah caruurta da’diisa ahna aan dhex galin oo aan la ciyaarin, waana sababta ay dhakhtaradaasi ugu taliyeen in caruurta laga ilaaliyo tablet-ka iyo xitaa telefoonada casriga ah.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.